Ciidamada Itoobiya ee qabsaday magaalada B/weyne oo la weeraray
February 21, 2012 - Written byHiiraan:-Ciidamada dalka Itoobiya ee ku habsaday magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa maanta waxaa loo geystay weerar xilli ay marayeen Xaafadda Xaawo Taako waxaana weerarkaas loo adeegsaday miinada meelaha fog laga hago waxaana soo gaaray ciidamada Itoobiya khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac. Mid ka mid ah ducaada ku sugan magaalada B/weyne ayaa u sheegay Halgan.net in qarax saaka uu khasaaro gaarsiiyey ciidamada Itoobiya ka dibna ay ku qamaameen dadkii shacabka ahaa oo ay qaar ka mid ah xireen waloow aan la aqoon tirada rasmiga ah ay xireen .
Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafadda Xaawo Taako .Qaraxa ka dib ayaa ciidamada itoobiya waxay xireen isku socodka magaalada waxay gooyeen geed ay uga shakiyeen in la dhigay miino kale .
A/Cawale
Halgan.net