Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM oo dad ku xirxiray magaalada Baydhabo
February 24, 2012 - Written byBaydhabo:-Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa sheegaya in ciidanka Itoobiya iyo kuwa DFKM ay dad ka qabqabteen gudaha magaalada Baydhabo ka dib howlgalo ay ka sameeyeen gudaha magaalada Baydhabo shalay ilaa maanta.Ciidanka Itoobiya iyo kuwa DFKM ayaa dadka ay soo qab teen waxay u badan yihiin dad rayid ah ooo ay uga shakiyeen in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab dadka ay soo qab teen ayaa waxaa ku jira ganacsato laga yaqaan magaalada Baydhabo.
Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM ayaa cabsi ka qaba in qaraxyo aan ka joogsi lahay lagu qaado sida ka dhacaday magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan oo ay qabsadeen ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa Soomaali ah.
Ciidamada Al-shabaab ayaa ka baxay magaalada ka dib markii ay ku soo dhawaadeen ciidanka Itoobiya waxaana ay balan ku qaadeen in ay weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ay ku qaadi doonaan ciidamada huwanta ah sidda uu warbaahinta u sheegay afhayeenka dhinaca howl galada ururka Al-shabaab Sheekh C/Casiis Abu Muscab.
C/casiis Maxamed
Halgan.net