Culimo’udiinka iyo masuuliyiinta rugta ganacsiga Boosaaso oo lacag tabarucaad ah guraya
February 19, 2012 - Written byBoosaaso:-Waxaa maalmahaan ka socda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Gobolka Bari lacag aruurin ay wadaan culimada , wax garadka iyo masuuliyiinta rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntlland iyadoo lacag tabaru caad ah dibada iyo gudaha loo aruurinayo Suuqii weynaa ee magaalad Boosaaso oo bilo ka hor ku gubtay Boosaaso. Culimo’udiinka magaalada Boosaaso ayaa in dhawaalo ah waxaa ay ku howlanaayeen lacag tabarucaad ah oo ay u aruurinayeen dadkii ku hanti beelay Suuqii weynaa Boosaaso , dad fara badan oo ganacsato ah oo xoolo kulahaa magaalada Boosaaso ayaa markii uu gubtay Suuqa Boosaaso ku cayroobay.
Culimo’udiinka magaalada Bosaaso ayaa nadawaad ay ku qabteen Masjidka Rowda ee Boosaaso waxaa ay ugu baaqeen ganacsatada iyo dad weyna ku nool Boosaaso iyo deegaanada ku xeeran in ay gargaar deg deg ah u fidiyaan dadkii ku hanti beelay Suuqa Boosaaso ,culimada ayaa howsha waxqabad kaas waxaa ay u xilsaareen allaha u naxariistee Sheekh Dr axmed Xaaji C/raxmaan oo habeen ka dib ay dileen 3dhalinyaro ah oo bistoolado ku hubeysan.
Guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga Puntland Maxamed Caydiid Jaamac oo saxaafada la hadalay ayaa xusay in howsha loogu aruuri nayo lacag dadkii ku hanti beelay suuqii gubtay ee magaalada Boosaaso ay weli socoto kulamo kale duwana ay la qaateen culimada iyo wax garadka iyo ganacsatada waaweyn ee leh shirkadaha ilaa haddan ay aruuriyeen lacag gaaraysa ilaa 60 kun oo dollar.
Guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga Puntland Maxamed Caydiid Jaamac ayaa xusay in hanti ku luntay Suuqa Boosaaso ay aad u badan tahay laguna qiyaasay lacag dhan 15 milyan oo doolar sidaas darteedna loo baahan yahay in Jaaliyaadka dibada ku nool iyo kuwa gudahaba ay u istaagaan in ay gargaar u soo fidiyaan dadkii ku ceyroobay Suuqa Boosaaso.
M_M_Deeq
Halgan.net