Dagaal xalay ka dhacay degaanka Geed-weyn oo ka tirsan gobolka Gedo.
February 25, 2012 - Written byLuuq:-Waxaa xalay ka dhacay degaanka Geed-weyne oo u dhexeeya degmooyinka Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo dagaal u dhexeeya ciidamo taageersan DFKM iyo cidanka Al-shabaab , dagaalka ayaa xalay qarxay ka dib markii fariisamo ay ku lahaayeen ciidanka DFKM degaanka Geedka-weyn ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab.
Dagaalka xalay ayaa waxaa ku dhintay sida ay sheegayaan warar hordhac ah ugu yaraan ilaa 10 qof oo ka tirsan dhinacyadii uu dagaalku dhexmaray oo kala ah ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa DFKM oo ay taageerayaan ciidamada Itoobiya.
Dhinacyada dagaalamay ayaa mid walba waxaa uu saxaafada u sheegay in guul ay ka gaareen dagaalkii xalay ka dhacay degaanka Geed-weyne. Qaar ka tirsan dadka degaanka Geed-weyn oo la hadlay saxaafad ayaa u sheegay in dagaalka xalay uu ahaa mid aan waxba la iskula hari oo 2-da kooxood ee uu dagaalku u dhexeeya ay hubka kale duwan ay u isticmaalayeen dagaalka.
Dadka rayidka ah ee deganaa degaanka Geed -weyne ayaa bilaabay in ay ka barakacaan guryahood iyagoo ka cabsanaya in dagaalku uu saameyn ku yeesho nolashooda .
A/cawaale
Halgan.net