Dhaq dhaqaaq ciidan oo saaaka laga dareemayo duleedka magaalada Muqdisho
February 14, 2012 - Written byMuqdisho:-Wararka saaka naga soo gaaraya saaka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan laga dareemayo duleedka magaalada Muqdisho waxaana soo dhoobtay difaacayda ciidamada AMISOM ciidamo tiro badan kuwaas oo bilaabay in ay ku durkaan deegaanka Sarkuusta oo u dhexeysa xeradii hore ee Asluubta iyo Jaamacadda Shabeelle oo ka fogeyn deegaanka KM13.
Waxaa kale oo saaka xiran waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo dagaal laga baqayo waxaana baaraya gawaarida u kala goosheysa Muqdisho iyo Afgooye ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM.Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ayaa fariisin ka sameystay deegaanka Sarkuusta oo aan meel aan sidaa uga fogeyn ay difaac kaga jiraan ciidamada Ururka Al-Shabaab
Ilaa iyo hadda ma jiraan wax iska horimaadyo ah oo dhacay, waxaana socda diyaargarow labada dhinac iyada oo qolo walba ay adkeysaneyso difaacyadeeda. Taliye ku Xigeenka Ciidamadda Midowga Afrika Audace Nduwumunsi, ayaa waxaa uu sheegay isbuucii la soo dhaafay inay weeraro ku yihiin Degmada Afgooye, halkaas oo saldhig weyn u ah Ururka Al-Shabaab .
Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa wacad ku maray in ay iska difaaci doonaan duulaan kasta oo kaga yimaada ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM.
A/Cawale
Halgan.net