Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed oo khudbad ka jeedshay shirka London
February 23, 2012 - Written byLondon:-Madaxweynaha DFKM Sh.Shariif Sh.Axmed ayaa khudbad ka jeediyey shirka ka socda magaalada London kaas oo lagu gorfeynayo arrimaha Soomaaliya . Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa codsaday in laga qaado dowladiisa cunno-qabteynta hubka, si ay dowladiisa u soo celiso kala danbeyntii .
Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbadiisa ku akhriyey afka carabiga waxaana uu uga hadalay arrima badan oo ay ka mid yihiin guulaha ay dowladiisa ka gaartay dagaalka ay kula jirto Ururka Al-shabaab isaga oo sheegay in magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka laga saaray Ururka Al-shabaab .
Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale ka codsaday beesha caalamka in laga caawiyo dowladiisa sidii ay ula dagaalami lahayd kooxaha burcad badeeda wuxuuna balan qaaday in dowladiisa ay fulin doonto wixii ka soo baxay Shirkii Garoowe 2 iyo heshiiska Roadmap kaas oo qeexayey in dowlad loo dhan yahay la dhiso marka la gaaro bisha August 2012.
Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Ugu dambeyntii wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay shirka haatan ka socda London in ay ka soo baxaan arrimo dhaxal gal ah oo xaliya Muskilada Soomaaliya.
A/Cawale
Halgan.net