Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay dagaalkii saaka ka dhacay Buuhoolde
February 8, 2012 - Written byGaroowe:-Madaxwaynaaha dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Faroole ayaa maanta xili uu khudbada ka jeedinayey xaflad loogu magacdaray daahfurey Dastuurka Puntland oo ka dhacday magaalada Garoowe waxaa uu soo hadal qaaday dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.
Madaxweynaha Puntlland Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa ku tilmaamay dagaalka saaka ka dhacay Buuhoodle mid nasiib daro ah isagoo ku eedeeyey maamulka S/lland in ay ciidankoodu uu soo weeraray magaalada Buuhoodle isagoo ugu baaqay in ciidamadoodu ay ku noq daan fariisamahoodii ay ku sugnaayeen 15 Janaayo 2012 ka hor intii aysan bilaaban colaad ka dhacday Buuhoodle. Madaxweynaha Faroole ayaa xusay in ciidanka S/lland ay ciilashii biyaha ee dadka reer miiga ay ka cabi lahaayeen ay ka fariisteen taas oo ah mid ayaan daro ah.
Madaxweynaha Puntlland Dr. Cabdiraxmaan Faroole oo mar uu ka hadlayey colaad Buuhoodle iyo dagaalka ayaa yiri ” waxaa jira kuwa iyagu meel aan waxba ku jirin xukun ku raadinaya oo dhiiga shacabka raba in ay meel ku gaaraan hadba dhinac u soconaya siyaasada Soomaaliyana ku fashilmay da,ahaan iyo sharaf xumo ahaan , Maalintii la soo weeraray Buuhoodle ku sugnaa ka dibna u cararay Itoobiya cida ma matalaan waxaan u sheegayaa dowllada Itoobiya oo jecel in wax dagaal ah dhexmarin Puntlland iyo S/lland in ay la hadlaan Siilaanyo waa uu la joogaaye kuwa kale ee qaswadayaasha ahna aysan waxba ka dhagaysan”.
Madaxwaynaha dowllada Puntlland Dr.Cabdiraxaan Faroole ayaa ugu baaqay maamulka S/lland in ay ciidankooda kala baxaan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool inta aysan madaxdoodu imaan shirka ka dhacay magaalada London, isagoo ku nuuxnuuxsaday in cid walba ay xaq u leedahay in ay ka tashtaan aayahooda, Beesha caalamka waxaa ka cod sanaynaa in ay shirka ugu yeeraan kuwa nabad Soomaaliya jecel oo aan dadka ka shaqeeya colaada aysan ugu yeerin in ay ka soo qayb galaan shirka ka dhacay magaalada London 23 Feberaayo 2012.
Ugu danbayntii ayaa Madaxwaynaha dowllada Puntlland Dr.Cabdiraxaan Faroole waxaa uu ka codsaday bulshada ku nool degaanada Puntlland in ay ilaaliyaan midnimadooda kana shaqeeyaan nabadgelayadooda haddii ay yihiin beel ama degaano si dadkood iyo soomali inteeda kale ay u horseed u noqdaan nabad waarta sidii magaalada Garoowe loogu shiray looguna shiri doono Soomaalina ay taariikh wanaagsan iyo nabadgelyo ugu horseedaan.
M_M_Deeq
Halgan.net