Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr Cabdiweli Cali Gaas oo saaka soo gaaray Djibouti
February 4, 2012 - Written byRa’iisul Wasaaraha DFKM Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa Sabtigii 4ta February soo gaaray Djibouti si uu uga qeybgalo shirka Kooxda Xiriirka Caalamiga (ICG). Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lgu wadaa inuu shir-guddoomin doono shirka IC, khudba dna ka jeedin doono furitaanka shirka oo socon doona labo maalmood 5ta iyo 6da February. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Madax weynaha Djibouti Ismail Omar Gelle uu isna halkaas qudbad ka jeedin doono furitaanka shirka.
Shirkan ICG ayaa ku soo toosaya waqti xasaasi ah oo Dowladda Soomaaliyeed ay ku howlan tahay dhaqangelinta Roadmap ka iyo sidii loo soo afjari lahaa xilliga kala guurka ah oo ku eg 21ka August 2012. Sidoo kale Dowladdu waxey ku howlantahay dib-u-habeynta baarlamaanka iyo dhameystirka Dastuurka. Shirkan ayaa looga hadli doonaa arrimaah Roadmapka iyo shirka London lagu qaban doono 23 February.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Jimcihii kula kulmay Nairobi Wasiirka Arrimaha Dibedda ee UK Willaim Hague oo ay ka wada hadleen shirka London iyo sidii labada dowladood ay isaga kaashan lahaayeen in shirku uu noqdo mid najaxa. Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa u sheegay William Hague in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan shirka London inuu xal u helo sidii xal loogu heli lahaa Soomaaliya, isla markaana uu shirka London u sii cayilin lahaa horumarka laga sameeyey Roadmap ka iyo Garowe Principles.
—
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +253783542 – Djibouti
Tel: +252615479911
Tel: +252699998854