Ra’iisul Wasaaraha DFKM oo Kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub
February 8, 2012 - Written byMuqdisho, February 8, 2012—-Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta Xafiis kiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub Alexander Rondes oo ay la socdeen Madaxa EU ee Soomaaliya iyo mas’uuli yiin kale. Kulankan waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Difaaca Mudane Hussein Arab Isse, Wasiiru Dowlayaasha Arrimaha Dibedda iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyntii soo dhoweeyey Ergeyga gaarka ah ugana mahadcelinayey imaatinkiisa Muqdisho kana codsaday in EU ay labo jibaarto dadaalkooda ku aadan sidii Shacabka Soomaaliyeed loogu heli lahaa nabad iyo amni waara. Waxey kaloo si gaar ah uga hadleen qorshaha iyo istraatejiyada Dowladda Soomaaliya ee ku wajahan goobaha iyo gobolada laga xorreeyey Al-Shabaab si shacabkaas loo gaarsiiyo adeegyada bulshada iyo gar-gaarka bani’aadanimo, lagalana shaqeeyo sidii shacabkaas ay u sameysan lahaayeen guddiyo amni iyo maamul ay iyagu doorteen.
Kulankan waxaa sidoo kale looga hadlay shirka London iyo sidii ay beesha caalamka ay hal meel uga soo wada jeesan lahaayeen xal u helidda arrimaha Soomaaliya, oo kulanka aad looga qiray inay jirto fursad dahabi ah oo Xukuumadda ay ku guuleysatay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin amniga iyo xasilinta waddanka.
Ergeygan Gaarka ah ayaa dhowaan Midowga Yurub u magacaabeen inuu wakiil uga noqdo Geeska Afrika oo uu sheegay inuu mudnaanta siinayo Soomaaliya. Waxaa muuqata dadaal weyn oo ay caalamku ugu soo jeesteen arrimaha Soomaaliya ka dib markii Xukuumadda ay guulo waaweyn ka sameeyey dhan walbo sida amniga, dastuurka cusub, dib-u-habeynta baarlamaanka, xiriirka maamulada iyo Dowladda dhexe iyo maamul wanaaga.
—-Dhamaad—-—