Shirka London iyo Qorshaha Gumaysiga W/Q: Sh.Maxamed Sh/Cabdiraxmaan Kaariye

February 21, 2012 - Written by

Minisota:-Waxay ila tahay in qof walba  oo si guud u danaynaya danaha ummadda Islaamka ama si  gaara uga fakiraya baylahda shacabka Soomaaliyeed inuu u dhag taagayo waxa ka soo bixi doona Shirka London ee la qabanayo 23 bishan (2/23/2012), lana yidhi waxa ka soo qayb galaya in ku dhow 45 dowladood, isla markaana lagu casuumay kooxo Soomaaliya. Hase yeeshee la sheegay inuu shan saacadood oo kaliya qaadan doono  shirkan la yidhi waxa lagu xalinayaa qadiyada Soomaalida  ama haddaan si kaleba u dhigo qadiyadaha faraha badan ee murugsan ee horyaal Soomaalida.

Hadaba, anigoo ugu horayn Muslina, islamarkaana Soomaaliya  waxaan ka fursan waayay inaan fikradayda ka dhiibto ajendaha shirkan, iyo arimo badan oo hadheenaya qadiyada Soomaalida oo haddii aan iyaga xal loo helin ayna mushkilada Soomaalidu sal dhigayn. Ta labaad  tuhun weyn ayaa igaga jira jilayaasha masraxiyadan ama riwaayadan siyaasiga ah ee uu  suugaan siyaasadeedkeeda   soo qoray aabihii gumaysiga Reer Galbeedku, waxaan ula jeedaa Ingiriiskee.

Waxaan rumaysanahay in xalka Soomaalidu ku jiro diinta Islaamka iyo shareecada Ilaahay oo noqota distoorka iyo qaanuunka lagu dhaqo dhinac walba oo ka mida nolosha dadka. In maamulka loo dhiibo dad isku darsaday diin wanaag, amaano iyo khibrad ay u leeyihiin goobaha ay ka howl galayaan, sida dhaqaalaha, qorshaynta, waxbarashada, wax soo saarka iwm ee ka mida danaha aduunyo ee aanay ummadna hore marayn hadday ka gaabiso.

Islamarkaa waa in dowladaha shisheeye faraha kala baxaan qadiyada iyo talada Soomaalida, Shirka Londona waa shir ay soo abaabuleen, ka soo taliyeen, ajendihiisa qarsoona soo dejiyeen dalal shisheeye. Nin ay taladiisu cid kale gacanta ugu jirtaana  xor maaha, kamana talin karo mustaqbalkiisa iyo aayatiinkiisa, iskaba daa inuu xaliyo mashaakilkiisee.

Waxaan ku qanacsanahay in Shirka London fashilmayo, sababtuna ay  tahay in jilayaashiisu hareer mareen qodobada hoos ku tibaaxan oo ka tarjumaya mushkiladaha gudaha iyo kuwa dibada ee matalaya  arimaha hor taagan xal in loo helo  qadiyada Soomaalida. Shirka London wuxuu si qayaxan u muujinayaa faragalinta shisheeye ee arinka Soomaalidu isaga dartii la sal dhigi la’yahay, mowduuca khuseeya in Soomaaliya la galiyo maxmiyadi maaha arin cusb waayo iminkaba dhul Soomaaliyeed oo badan ayaa ah maxmiyad ay haystaan xoogaga AMISOM, in kalana Itoobiya ayaa si  toosa ama si dadban uga talisa ee taana yaan loo daymo la’aan.

 

Ingiriiska iyo Gumaysiga Cusub:

Waa taariikh qoran wixii soo kala dhex maray Soomaalida iyo gumaysigii Reer Galbeedka, khaasatan Ingiriiska iyo Talayaaniga oo maanta dhashoodii ku fakirayso siday u gumaysan lahaayeen dhulka Soomalidu ku dhaqan tahay mar labaad. Gumaysigii Reer Galbeedku wuxuu si laxaad leh ugu talax tagay inuu si weyn u kala qaybiyo dhulka Soomaaliada (sababtuna ay ahayd Soomalida oo 100% Muslina), waxa dhulkii Islaamka ee Soomaaliya kala qaybsaday Ingriiska oo qaatay intii loo yaqaanay “Dhulka Biritishka ee Soomaaliya”, Talyaanigu wuxuu qaatay dhulkii loo yaqaanay “Dhulka Talyaaniga ee Soomaaliya”, Faransiiska ayaa isna qaatay dhul uu ula baxay “Dhulka Faransiiska ee Soomaaliya”. Intii ka soo hadhay dhulkii Soomaalida waxay gacanta u galiyeen laba dowladood oo inala jaar ooy ka taliyaan  dowlado aynaan isku diin ahayn , waa Xabashida oo colaad taariikhiyi ina dhex taalay oo la siiyay Soomaali Galbeed (Hawd and Reserve Area) iyo Kenya oo la siiyay (Northern Frontier District) NFD.

Humaaga taariikhdani waa inaanu garaadkeena ka bixin  si aynu u fahano doorkii foosha xumaa ee Ingiriisku ku lahaa Taariikh-Siyaasadeedka  Soomaliya ee casrigan. Dadka taariikhda darsaa waxay sheegaan in taariikhdu soo noq noqoto, ummaddii aan taariikhdeeda si hufan u akhrisan iyadoo isku dayaysa inay fahanto, dheehato, kana faa’iidaysato dhacdooyinkii shalay si ay uga nabad gasho dhibaatooyinka maanta, ummaddaasi waa ummad isku xukuntay fashil iyo burbur.

Wasiirkii Gaashandhiga Dowladda Israa’iil ee hore Muuse Dayaan ay yidhi isagoo dhiibanaya fikrada uu ka haystay shucuubta Carabta ee uu dagaalka la galay : “Carabtu  wa shacab aan wax  akhriyin”. Dayaan wuxuu hadalkan yidhi isagoo ka faaloonaya qorshe militari oo uu doonayay inuu ku hujuumo Gobolka Siinaay sanadkii 1967-kii, hase ahaatee janaraaladii ciidankiisa ayaa ka cadhooday qorshihiisa  iyagoo ku tilmaamay inuu la mid yahay khidaddii miltari eey kaga qayb galeen dagaalkii  ku caan baxay Seddex-Geesoodka  ee sanakii 1956-kii ooy Ingiriiska, Faransiiska iyo Israa’iil  ku soo qaadeen Masar. Waxay ku yidhaahdeen haddii hogaanka ciidanka Masaaridu ka war helaan khidadani waxa inagu imanaysa khatar weyn, wuxuu ugu jawaabay oo yidhi: “Waan arkaa inaan isticmaalayo khidadii hore lafteeda, hase yeeshee Carabtu wax ma akhriyaan, een maxaan naftayda ugu daalinayaa dejinta khidad cusub”!!

Waxaad moodaa inuu Muuse Dayaan la hadlayay nimankii  hogaanka u hayey dalka Masaarida xilagaasi ee la magac baxay “Saraakiisha Xorta ah” “الضباط الأحرار” sida Jamaal Cabdi Naasir iyo Cabdul Xaakim Caamir oo sheekana lagu maqlay, shaahidna lagu arkay jabkii iyo fashilkii ay u soo jiideen ciidamada Masaarida.

Waa in Soomalidu ka taxadirto suul-dhabaalayska siyaasiyiinta Ingiriiska, waa  in laga taxadiro halaasiga iyo shimbirayow heeska William Huge, waa inaan lagu dagmin shaxda ay ciyaarayaan, waa inaan sinaba loo ogloaan in Soomaaliya lagu celiyo gumaysi cusub. Waa in laga faa’iidaysto duruusta taariikhda oo dhigaysa in shisheeye laysku dhiibaa tahay magac xumo iyo is dulayn. Haddaynu u dhago nugulnahay duruusta iyo casharada taariikhda waxynu fahmi karnaa inuu Ingiriisku baroosinka u aasay dhibaatooyin faro oo maanta wali ka jira Dunida Islaamka, ayaa dhulkii Soomalida qabyna siiyay Itoobiya qaybna siiyay Kenya? ayaa abuuray mushkilada Falastiin ee shacab dhan dhulkoodii lagaga boobay? Ayaa u khidadeeyay mushkilada Kashmiir? Intaa aan soo  sheegay iyo in ka badan oo ka mida mushkiladaha Juqraa-Siyaasiga ah (Geopolitics) ee ka aloosan caalamka Islaamka waxa ka dambeeyay oo qorsheeyay Ingiriiska, sidee ayay hadaba suurogal u tahay in aynu maanta ku kalsoonaano gumaysigii shalay? Waa arin lala yaabo oon macquul ahayn!

Maxmiyad in La Galiyo Dhulka Soomaalida:

Wali waan sugaynaa waxa ka soo bixi doona shirka London ee la qorsheeyay in loo qabanayo Soomaalida lana yidhi waxa ka soo qayb galaya in ku dhow 45 dowladood. Hase yeeshee waxa laysla dhex marayaa in Igiriiska iyo Talyaanigu doonayaan inay Soomaaliya galiyaan Maxamiyad. Bal hadaba maxay tahay maxmiyadi.?

Macnaha maxmiyadi dhinaca sharaxeega siyaasiga iyo waxa loogu yeedho qaanuunka caalamiga ah waxa laga soo tarjumay oo laga soo xigtay ereyga Ingiriisiga ah ee (protectorate), haddaynu dib ugu noqono qaamuusyada Ingiriisiga ah waxaanu helaynaa in macnaha siyaasiga ee ereygani xambaarsanyahay gumaysi iyo dowlad xoog leh oo dowlad kale boob iyo dhac ku haysata.

Qaamuuska (The freeDictionary .com) ayaa ku qeexay ereygan sida soo socota:  

A relationship of protection and partial control assumed by a superior power over a dependent country or region. ( TheFreeDictionary.com) 

 

“Xidhiidh  ilaalo iyo qayb kantaroola oo dowlad xoog weyni ku haysato dal ama gobol ku tiirsan”

Qaamuuska Oxford  ayaa isna sidan ku qeexay ereygan:

Noun:

A state that is controlled and protected by another: Panama was juridically a protectorate of the United States.

[In names]: the British Somaliland Protectorate

The relationship between a protectorate and the state that controls it: a French protectorate had been established over Tunis

Haddii aynu soomaaliyeeno sharaxan wuxuu noqonayaa sidan:

Waa dal uu kantaroolo oo ilaaliyo dal kale: Dalka Panama qaanuun ahaan wuxuu ahaan jiray maxmiyad Maraykana.

[Magac ahaan]: Maxmiyada Ingiriiska ee Soomaaliland.

Xidhiidhka ka dhexeeya maxmiyada iyo dalka kantroola: Maxmiyad Fransiisa ayaa laga dhisay dalka Tuunis.

Haddaynu hadalka isku soo duuduubno maxmiyadu waa dowlad madax banaan oo maamulkeeda iyo taladeeda loo dhiibo dowlad kale iyadoo la cuskanayo mucaahado la saxeexay. Dabcan shacabka dalkoodii lala wareegayo lalama tashado, waxna lagama weydiiyo mucaahadada lagu saxeexay in dhulkoodii la boobay. Taasina mcanaheeda dhabti waa in dal uu gumaysto dal kale, Ingiriiskuna sida lagu yaqaano taariikhda waa aabaha gumaysiga Reer Galbeedka, maantana waxa isaga iyo Talyaanigu ku fakirayaan inay dib u gumaystaan  shacabka Soomaaliyeed  oo ka xoroobay 51 sano ka hor.

Itoobiya:

Maamulka dalka Itoobiya iyo siyaasiyiinta la talisaa waxay ku qancasn yihiin in khilaafka Soomaalida dhex yaala ay dani ugu jirto  siyaasada iyo dhaqaalaha dalkooda. Sidaa awgeed wuxuu Meles Sanaawi ku howlan yahay inuu isagu gacanta ku hayo talada Soomaalida, ahaadana taliyaha dhabta ah ee mandaqada Geeska Afrika. Waxa wax laga xumaado ah inuu Meles  awooday inuu farta ugu yeedho madaxda Soomaalida, taasina ay dhulka dhigtay Sharaftii iyo magacii dadkeena.

Muran kama jiro in Itoobiya qalalaase weyn ka  wado arlada Soomaalida, inay ka hir galiso dilal qorsheysan,  inay isku dirto qabiilada Soomaalida,  inay ku dhex leedahay Soomaalida sirdoon culus oo khatar ku ah Soomaali walba oo ka hadla siyaasada gardarada ah eey mandaqda kaga dhaqanto, dhammaan waxaasi waa xaqiiqooyin aan la dafiri karayn. Dhammaan siyaasiyiinta Soomaalidu waxay maanta u garbo duuban yihiin  ooy ka amar qaataan Meles Sanaawi, Nimanka maanta sheegta inay Soomaalida u taliyaan waa la haystayaal aanu go’aankoodu gacanta ugu jirin, kamana hor iman karaan talada maamulka Itoobiya.

Intaa waxa  dheer in Itoobiya dhaqaalo ahaan ku caano maashay burburka Soomaaliya, lacagta maalaayiinta ah ee  ka soo gasha qaadka, Jaamacadahooda laga furay meelo ka mida arlada Soomaalida, Ethopian Airlines-ta   ay Soomaalida badan ee Adisababa ku mara traansitku ku safraan, dadka xanuunsanaya ee dawada u doonta   dhakhtarada ku yaala caasimada Itoobiya iyo qurbo jooga Soomaalida ee sii mara soona mara dalka Itoobiya oo la qiyaasi karo lacagta kaashka ah eey ku shubaan dhaqaalaha xabashida. Tusaalooyinkan oo idili waxay tusayaan sida ay Itoobiya uga faa’iidaysato dhaqaalaha Soomaalida, waxase Soomaalidu ka helaan Itoobiya waa in maamulka Itoobiya hadh iyo habeenba ka shaqeeyo siduu u sii dheereen lahaa burburka Soomaalida, kuna jiraan waligood kufaa kac.

Dhinac walba oo laga eego, Itoobiya cagta hoosteeda ayay galisay Soomalida badankeedii, runtuna waxay tahay waa in Itoobiya loo quus gooyo oon laga talo galin waxbana laga weydiin arinka iyo talada Soomaalida.

Libiraaliyiinta iyo Calmaaniyiinta:

Waxa safka hore kaga jira oo qayb weyn ku leh mushkiladda Soomaalida kooxo lid ku ah in mushkilada Soomaalida loo helo xal waara oo ku dhisan diinta Islaamka, oo ah sida kaliya ee lgu heli karo cadaalad iyo walaaltinimo. Waxay nimankani u howlgalaan sidii diinta iyo shareecada looga fogayn lahaa talada iyo go’aanka siyaasiga ee shacabka Soomaaliyeed oo ah dad ku dhashay oo aaminsan diinta Islaamka. Dhagarta ay kooxahani ku wadaan shacabka Soomaalida  iyo khayaanada ay la damacsan yihiin diinta iyo shareecadu waa mid quwado shisheeye maal galiyaan.

Sidaa awgeed waa in daaha laga feydo oo la kashifo doorka khayaanada huwan ee kooxahani kaga jiraan mashruuca lagu wiiqayo in Soomaalida loo helo xal Islaamiya, miiska wada tashigana laga fogeeyo  cid walba oo dan ka lahayn aayaheeda iyo mustaqbalkeeda.

Waxa  danyastayaashan godobta ka galay ummadooda, lana saftay cadowgeeda ku dhaboobaya tix gabay oo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ku lahaa:

Nin aqdaamo Ferenjiya, maantiyo abuurriin
Ama aaladduu sida, ama awrta buu rara
Ama adhiga buu qala, ama laba ugaadhsada

Ama uba ilaalaa, ama uurka kala jira
Ashahaado beeniyo, islaamnimo ha lagu dhaqo

Ilaahayna nama oran, anna ma oggolaan karo!

Qof walba oo Soomaaliyi waa inuu mowqif cad ka qaato cid walba oo diidan in xal Islaamiya loo raadiyo mushkiladeena, dadkaasi ha noqdaan siyaasiyiin, saxafiyiin , dagaal oogayaal, indheer garato iwm. Waa mowqif  xabaasha  kula galaya, waa mowqif  maalinta qiyaamaha aad la hortagayso Ilaahay, waa su’aal kuu taala oo lagu weydiinaya waxaad ka yeeshay nimanka maxfal walba ka caddaysanaya inay rumaysan yihiin in diinta iyo siyaasada la kala saaro, in diinta lagu koobo masaajida dhexdeeda oo kaliya, axkaamta shareecadana lagu koobo arimaha guurka iyo furniinka(inkastoo tan lafteeda maanta lagu howlan yahay sidii  wax looga bedeli lahaa loona waafajin lahaa go’aamada Qaramada Midoobay).

Shareecada Islaamka:

Shacabka Soomalidu waa Muslin, diintiisana  wuu jecel yahay, haddii fursdad loo siiyo inuu ku dhaqmo shareecada Islaamkana badankiisu wuu ogol yahay oo diidi maayo. Waa run inay jiraan kooxo faro ku-tirisa oo diidan in shareccada iyo diinta lagu dhaqo maamulka iyo dowlada, hase yeeshee dadka badankoodu waxay u xaglinayaan xaga shareecada, taasina waa arin dabiiciya oo laga fisho mujtamac Muslina.

Isbedelada waaweyn ee ka dhacay dunida Carabtu waxay muujiyeen oo dibada soo dhigeen tirada dhabta ah ee codadka Shareeco-diidku ku leeyihiin dunida Islaamka. Afar dal oo afti shacabkooda laga qaaday waxay u dhacday sidan: Masar oo Ikhwaan Muslimiinku  heleen 47% kursiyada baarlamaanka, salafiyiinta oo dhawaan ka dhex muuqday masraxa siyaasiga oo iyaguna  helay 25%,  Tuuniisiya oo Al-Nahda heshay aqlabiyada  doorashooyinka iyo Marooko ooy Al-Cadaala Wa-Tanmiya iyana heshay aqlabiyada. Taasi waxaad ku dartaa in Mustafa Cabdi  Jaliil oo ah madaxa Golaha ku Meelgaadhka ah ee Liibiya uu sheegay in “shareecada Islaamku tahay isha kaliya ee laga soo xigto  qaanuunka, iyo in qaanuun walba oo khilaafsan shareecada Islaamka la tuurayo”, intuba waxay tilmaamayaan in Islaamku xididu gunta ku aasan ku leeyahay bulshooyinka Islaamka dhexdooda.

Soomaaliduna waxay ka mid tahay shucuubta Muslinka ee higsanaysa in dhulkooda laga hirgaliyo shareecada Ilaahay, cid walba oo isku dayda inay dadkeena ka fogeeyaan shareecada Islaamku way fashilmayaan, shir walba (sida Shirka London) oo lagu hor istaagayo fulinta iyo dhaqan galinta shareecaduna waa hal bacaad lagu lisay oon dhaafayn xaashida lagu qoray. Sababtuna waxa weeyi inaan la afduubi karayn doonista dadka, inaan la kala dhex geli karayn Muslimiinta iyo diintooda. Muslimiintu waa tooseen  oo dib u seexan maayaan, waxayna rabaan in go’aankooda siyaasiga ah iyo talada mustqbalkoodu iyaga oo kaliya gacant ugu jiro, waa qadiyad caadila wayna guulaysan doonaan Ilaahay idankii.

Waxa qof walba oo Muslina  maanta horyaal oo laga sugayaa inuu go’aan ka gaadho mowqifka uu iska taagayo shareecada iyo xukunka Ilaahay  (سبحانه وتعالى) ,hana la xusuusto in arinku aanu ahayn ajende siyaasiya oo uu wato xizbi ama koox gaari, balse waa waajib wada saaran ummada Islaamka ah. Islamarkaa in lagu baaqo shareecada iyo in lagu dhaqmaa midna maaha asalraacnimo, xagjirnimo iyo argagaxisnimo siday  yidhaahdaan Reer Galbeedka iyo dabadhilifkooda libiraaliyiinta iyo calmaaniyiintu.

Madhaafaanka runtu waxa weeyi in  isku-xukunka waxa Allaah soo dejiyey si toosa ugu xidhan yahay caqiidada, iimaanka iyo islaamnimada qofka Muslinka ah. Sidaa awgeed qof walbaaba ha ka fakiro wuxuu qabrigiisa la galayo ee Ilaahay la hor istaagayo maalinta qiyaamaha, hana la ogaado in colaadinta shareecada Rabi iyo diidmo badhax tiran oo lagu diido xukunka Ilaahay tahay gaalnimo iyo kufri diinta ka saaraya qofkii u badheedha.

Qabyaalada:

Qabyaalada, qawmiyada iyo wadaniyadu waxay noqdeen sanamyo cusub oo dadka ku qasba inay u  hogaansamaan oo jacaylkooda ku gaar yeelaan dalka ay u dhasheen iyo dadka ay  ka dhasheen kuna abtirsadaan. Taasi waxay keentay inuuna qofku waxba iska weydiin  talada  iyo go’aanka qabiilka, inuuna fiirin inay sax tahay iyo inay qalad tahay, inuuna iska hubin howlaha qabiilkiisa oo laga yaabo inuu ku aakhiro seego, inuu u hiilayo qabiilkiisa xitaa hadday gardaran yihiin. Waxa marar badan dhacda inuu ka aamuso dulmiga uu qabiilkiisu  kula kacayo qabiilada kale, balse uu isku dayo inuu cudurdaar u baadho gardaro aan geedna loogu soo gaban, waayo sida ay isaga la tahay lagama soo horjeedsan karo talada qabiilka.

Mushkiladda Soomaalida ee soo jiidmaysay mudada dheer waxa inteeda badan sabab u ah ooy ku salhaysaa waa qabiil, waxa loogu maaro waayayna waa isnac  cirka isku shareeray oo dhex yaala beelaha Soomaalida badankooda. Waxase intaaba  ka daran in Soomaali badan u dhaqanto sidiiyoo arinku aanu xal lahayn, dabcan aragtida sidani waa  mid si walba u khilaafsan diinta iyo caqiidada Islaamka, waa aragti  ku shaqlan  niyad jab iyo quus, waa aragti  hakad ku keenaysa xal u raadinta mushkilada Soomaalida iyo in  la daweeyo khilaafkooda ku dhisan qabiilka iyo isnaca.

Shacabka Soomaalida waxa ka mida beelo walaaladeena oo hadana la hayb sooco, dhaqankaa mudada badan soo jiitamayay ee ku dhisan dulmiga iyo cunsiriyaddu waa dhaqan diinta iyo Islaamnimada khilaafasan. Walaaladeen waa in loo xaq sooro oo cadaalad lagula dhaqmo, waxay inagu leeyihiin maamuus iyo qadarin qof walba oo Muslini mutaystay. Sidaa awgeed qadiyadoodu waa inay mar walba qayb ka noqoto qadiyada shacabka Soomaalida.

Cabdullaahi Suldaan Time Cade ayaa diirada si fiican u dul saaray  saameenta taban ee qabyaaladu ku leedahay Soomaalida, waxaan dhowr bayt ka soo qaadayaa gabygiisii caanka ahaa ee la magac baxcay “Dugsi Ma leh Qabyaaladi Waxay Dumiso Mooyaane”, oo uu Soomaalida kaga waaninayay saameenta xun ee qabyaalada, wuxuu yidhi:

Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye

Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa’in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye

Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye
Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e

Cadaaladda iyo joojinta Dulmiga:

 

Alle(سبحانه وتعالى)  ayaa caadila oo naftiisa ka xarimay dulmiga , samada iyo arladana wuxuu ku abuuray xaq, adoomihiisana wuxuu amray cadli iyo samafal, wuxuuna ka digay fuxshiga, munkarka , dulmiga, gardarada iyo xadgudubka.

Dulmigu meel kuma  laha diinta Islaamka, lagama ictiraafsana shareecadiisa iyo qiyamkiisa midna, waayo wuxuu col iyo abaar ku yahay xasiloonida iyo degenaanshaha bulshooyinka, wuxuu gilgilaa nabada iyo wada-noolaanshaha, wuxuu soo dhaweeyaa burburka dowladaha, qabiilada, iyo guryahaya, wuxuuna colaad ka dhex aloosaa ninka iyo xaaskiisa, labada wada dhashay, kuwa isku qabiilka ah, kuwa isku dalka ah, kuwa shurakada ku ah maalka iyo ganacsiga. Dabka uu shido dulmigu  way daba dheeraataa aafadiisu , wuxuu dumiyana sida loo dhisaa way adagtahay, iinta iyo aarsiga uu reebana in la daweeyaa waqti ayey qaadataa.

Sheekhul Islaam IbnuTaymiye ayaa yidhi: “Dadku iskumay khilaafin in caaqibada dulmigu xuntahay iyo in caaqibada cadaaladu wanaagsantahay, sidaa darteed ayaa la wariyaa in Allaah u gargaaro dowlad caadila xitaa hadday kaafir tahay, una gargaarin dowlad daalima xitaa hadday Mu’min tahay”. [ Ibnu Taymiyah, Majmuuc Al-Fataawaa: 28/62-63].

Muslinkuna waa inuu cadaalad  kula dhaqmo cid walba oo xaqiisa siiyo gaal iyo Muslinba.

Intaa waxa dheer caaqibo xumida  iyo cadaabka aakhiro ku sugaya kuwa ku asqoobay dulmiga iyo gardarada, sida xadiiska Nabiga(صلى الله عليه وسلم)  ku timidna: “Dulmigu waa mugdiyo maalinta qiyaamaha” .

Walaalnimada Islaamka:

Sayid Qudub ayaa hore u yidhi jinsiyada Muslinku waa caqiidadiisa, ikhwaanii wax walaaltinimada Islaamka lagu doorsadaa meesha ma yaalaan, qabiilna ummad ma dhisee aynu ku midowno diinta iyo Islaamnimada. Aynu ogaano inaynu Islaamka la’aantii waxba nahay, Sharafta aduunyada iyo liibaanta aakhiro waxa labadaba lagu heleyaa in lagu midoobo diinta iyo caqiidada.

Soomaalidu waxay kulansatay cawaamil badan oo ka saacidaya inay midowdo, inay wax wada qabsato iyo inay dhisato, Ilaahay idankii,  mustaqbal u horseeda bashbash iyo barwaaqo.  Waxa sahala oo fudud  in la midoobi karo haddii laysku wada waafaqo xalka Islaamiga ah ooy muuqato in isaga la’aantii waxba laga qaban karayn mushkilada Soomaalida ee daba dheeraatay.

Soomaalidu waa inay meel walba ooy ku nool yihiin ogaadaan inay ka mid yihiin ummad kaliya oo Muslina oo wadaagta diin iyo caqiido, taariikh iyo sooyaal, lagana filayo inay wada higsato mustaqbal iyo aayatiin isku mida.

Wixii khilaafa ee hore ina dhex maray waa in laga gudbo, iyadoo laga garnaqsanayo, inkastoo cafiska iyo isa saamuxu fadli badan yahay. Khilaafaadkii hore iyo waxa la kala tabanayaa ayayna hadhayn ka-fakirka  mustaqbalkeena iyo sidaynu xal ugu heli lahyn mushkilaadkeena murugsan ee u baahan in lagu waajaho geesinimo , laguna falanqeeyo si saraaxada oon wax-qaris lahayn, Carabtaa tidhaa saraaxadu waa raaxo, ee runta halaysku sheego oo yaan la kala gaban .

Aynu ogaano ikhwaanii wa akhawaatii  in ummadda Islaamku ka unkan tahay shucuub iyo qabiilooyin kala duwan, taasina ay waafaqsantahay abuurka Alle een waxba laga badali            karayn, hase yeeshee walaalnimada Islaamka ayaa ka qaalisan wax walba, ee hayna deeqdo ukhuwatul Islaam oo yaan la saluugin.

Waa inay dhagaheena ka dayaantaa weedhii Saxaabigii Salmaan Al-Faarisi”رضي الله عنه” ee ahayd:

أبي الإسلام لا أب لي سواه *** إذا افتخروا بقيس أو تميم

Salmaan Ilaahay haka raali noqdee hadalkiisan sheekuu ku keenay, maalinbaa isagoo la fdhiya rag Caraba oo mid walba lee yahay anigu Qurayshi ayaan ahay, midna leeyahay Qaysi ayaan ahay, midna leeyahay Tamiimi ayaan ahay,  ayey isgana  weydiiyeen  nasabkiisa markaasuu yidhi: “Islaamka ayaa aabahay ah oo aabe kale ma lihi, hadday iyagu ku faanaan Qays iyo Tamiim”

أولئك آبائي فجئني بمثلهم *** إذا جمعتنا يا جرير المجامع

Yaa Allaah, na waafaji xaqa, nagu sug diintaada, ummadda Islaamkana ka dul qaad dhibta.

W/Q: Sh.Maxamed Sh/Cabdiraxmaan Kaariye

7 Comments so far

Leave a comment

  1. asalaamu caleykum waraxmatullahi wabarakaatuhu
    shiikhu kheyr allah siiyo, runtii maqaal aad u fiican ayuu ahaa
    walaalayaal muslimiin ayaanu nahay uma baahanin qawaaniin dad dajiyey ama mee kale laga keenay. dastuurkeenu waa kitaabka alle ee aan isku xukun-no

  2. WAA BARNAAMIJ LOO BAAHAN YAHAY,,,,,,LAKIIN WAXAA LA YAAB LEH IN AY SOMALIDA MEDIYAHOODU SIDA UNIVERSAL UU DIYAAR U YAHAY IN SOMALIYA AY GUMAYSI CUSUB GASHO,, OO UU SHACABKA JAAHILIINTA AH OO TAARIIKHAHA DUNIDA WAXBA KALA SOCON UU U MACAANEEYO SHIRKA LONDON DADKU UNIVERSALTV HA ISKA ILAALIYAAN LACAG AYEEY KU QAATAAN WAXAAS WAANA MUNAAFIQIIN INTOODA BADAN

  3. Sh. Maxamed Kaariye Ilaahay ajar iyo xasanaad ha kaa siiyo mowduuca dhaxal galka ah ee aad u soo gudbisay walaalahaa. Walaalayaal anigu waxaan la yaabanahay sababta SUUFIYO loogu martiqaaday shirka London oo looga tagay culumadii Tawxiidka iyo Sunnada. Suufiyo Qabqable isu badashay oo quruumo shisheeye ah adeegsanayaan maxay sababta loogu casuumay shirka london?

  4. assalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu shiikha aad buu ugu mahadsanyahay baraaruga iyo kataariikhiga uu ka taariikhayyey arima soomaliya iyo gumeystaha. umadi hadey wax ku cibro qaadaneyso waxey ku cibro qaadan lahayd umadihii ka horeeyey inleen wxey maraayaan meeshii ey mareen.lakiin waxaa xusid mudan sidii uu mid walibaa oo naga mid ah siduu ugu socon lahaa ama ugu dadaali lahaa dadkiisa soomaaliyeed wax ugu qaban lahaa xattaa gurigiisa,ilmahiisa,dariskiisa iyo wxii lamid ah uga bilaabi lahaa wabillaahi towfiiq

  5. asc waxaan filayaa wacdi waanoba sheekhaa noo dhameeyey inbadana culimadda waa ka hadalshay laakiin dhag umaynaa jalaqsiin ee maanta hadaan hurdada laga kicinna ,waxaa dhaxalku noqonayaa dulli aduun iyo cadaab iyo carro alle. ee amaan sida ka daynaa

  6. Masha allah, lillahi daruk , topic aan is dhoho waxa loobahnaa inuu kusoo daro qoralka waba kujiraa! Wa sidaa u sheegtaye akhii Go,aankaLondon kasoo baxa insha allah xashida uu ku qoran yahay ma dhafayo.

  7. asc/wrb ilaahayoow aamiin soomaali dhibab badan ayaa ku socda maanteeyna ugu daran tahay ilaahoow waad noo naxariisan jirtay dhibta naga qaad marnana ma ahan in aan naxariista rabi ka quusano. walaal sheeq maxamed kaariye ilaahay dartiis ayaan jeclahay waad ku mahadsan tahay maqaalka aadka u qurxoon oo aad ka faaleysay. wsc

Leave a comment

*