Shirka London oo furmay iyo Madax kale duwan oo khudbooyin ka jeedinaya
February 23, 2012 - Written byLondon:-Caasimada dalka Ingriiska ayaa goordhoweyd waxaa ka furmay shir loo qabtay madaxda DFKM , Puntland , Somalilland Gal-mudug, ururks Ahlusunaha shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay madax fara badan oo ka kala socoda caalamka waxaan ka mid ah Kenya ,Ethiopia ,Uganda ,Maraykanka ,Ingriiska, Turkiga , Imaaradka Carbeed ,Sweden ,Midowga Afrika ,Midowga Yurub ,iyo Qatar iyo Xoghayaha guud Qaramada Midoobey Ban Ki Moon. Ilaa ku dhowaad 40 hogaamiyaasha iyo madaxda ururada caalamiga ah ayaa madasha shirka ku sugan.
Shirkaan ayaa waxaa ay Beesha caalamka ku sheegtay in ay ku qaadan doonto go,aan midaysan oo ku saabsan siddii arrimaha Soomaaliya hal go,aan looga qaadan lahaa waxaa shirka loog doodayaa sidda wararka soo baxaya ay sheegayaan.
1-Amaanka (Security) gaar ahaan sidii dhaqaalo loo siin lahaa ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM iyo Garsoorka
2-Hawlgalka Siyaasadeed ( Political Process) in madaxda Soomaalida ay ku heshiiso wax xiga marka ay DFKM xiligeedu uu dhamaado bisha Augsto 2012.
3-Xasiloonida Gudaha Dalka (Local Stability) in la dhiso koox caalami ah oo taageero u fidisa Gobollada Soomaaliya. ee nabada ah .
4-La-dagaalanka wax loogu yeero Argagixisada (Counter-terrorsim) in la cusboonaysiiyo la dagaalanka kooxa xagjirka ah ama argagixisada ee ka jira Soomaaliya.
5-Burcadnimada (Piracy) in lala dagaalamo kooxaha burcadbadeedka ah ee ka howl gala xeebaha dalka Soomaaliya
6-Bini’aadanimada (Humanitarian) in caalamku ay gacan ka geystaan dhibaatada bini’aadanimo Somalia.
7-Iskuduwida Caalamka (International Coordination) Heshiis in laga gaaro qadiyadaha dowliga ah xaalada Somalia.
M_M_Deeq
Halgan.net