UURDOOX: Qaybta 5-aad W/Q Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar
February 3, 2012 - Written byMinisota:-Alloow Naga Aqbal Dadaalkeenna iyo Camalkeenna oo Raad Fiican naga reeb (aamiin). Qoraalladan ilaa iyo markaan billaabay waxaa isoo gujinaya xoog aanan garaneeyn halka uu ka imanayo anigoo filaya in Allaha caadilka ah uu ka imanayo xaggiisa, kaasoo I leh “horray u soco wad qoraalada” Sidaan horay u sheegay ujeeddooyinka qoraalladan waxaa kamid ahaa in la ogaado waxa lasoo qabtay si aan loo lumin wax la qabtay ama aan loo doondoonin wax la haysto. Mashruuca Islaamkana halka uu marayo ay kasii wadaan facyaalka soo kacayo insha allaah.
Haddii aad culays ka dareemeeyso qoraalladayda ha la yaabin sababtoo ah waa noloshaydii iyo waaya aragnimada qof ahaaneed ee aan soo maray. Waxaa horay loo yidhi: oohinta qofka laga dhintay iyo mida qofka la soo kiraystay ooynayso isku mid ma aha, (waa dhaqan carabtu lahayd in dumarka laga dhintay soo kiraysaan dumar kale oo la ooya) Waxaa ii muuqda meesha ummaddaan u dhimanayso in ay tahay diin la’aanta iyo in aan la qiimayn waxa la haysto iyo waxa maqan ee la rabo in la doono. Maxaa fiican oo qofkii kaa horreeyay qabtay oo u baahan sii wadid, maxaa lagaa rabaa in aad ku kordhiso oo ka dhiman.
Lafoole
Kulliyadda waxbarashada ee lafoole waxay leedahay taariikh gaar ah oo mudan in la xuso sababtoo ah waa kulliyaddii ay kasoo baxeen macallimiin badan oo wax baray facyaalkii wax bartay ee dalka qaybihiisa kala geddisan maamulka u qabtay. Waxaa la furay lafoole Octobar 1963, waxaa dhismaha iyo meesha laga dhisayba fuliyay maraykanka, wuxuu ka dhex dhisay masjid leh minaarad quruxbadan, waxaa lagu billaabay 5 macallin oo maraykan ah oo kayimid Eastern Michigan University mid kamid ah ayaana madax u noqday iyo 2 macallin oo masaari ah oo midna dhigo luqadda carabiga midna diinta.
(Dr. ismaciil Samatar oo kamid ahaa 50-kii arday ee lagu furay),waxaa la dhihi jiray NTEC (National Teacher Education Center), waxay ku xirnayd jaamacadaha maraykanka ,raga kasoo baxa waxay ahaayeen rag aad ay u saamaysay ilbaxnimada galbeedka, afka wax lagu barto wuxuu ahaa afka ingriiska, oo ninka ku hadlaa laba jumladood uu ahaa nin la jeclaysto in la noqdo isagoo kale waxbaba yaanay u wehlinin hadduu rabee. Sidoo kale waxaa lamid ahaa qofka talyaaniga ku hadla,sababtuna waxay ahayd waa afka qolada dadka dunida qabsatay.
Macallin kamid ah macallimiintii wax ka dhigaysay Dugsiga sare ee Axmed Warsame ee magaalada Beledwayne, maamulana nooga ahaa cismaan Badawi ayaa maalin wuxuu noo dhigayay taarikhda aadanaha wuxuu aad nooga dhaadhiciyay in dadka daanyeer kayimaadeen (evolution), dood culus ayaa na dhexmartay laakin waa ku adkaystay ardaydiina qaar ayaa ku raacay, waxaan noqday wadaad diin duqoowday ku dheggan, ciil darted waxaan doondoontay wax burrinaya nadariyaddaan cilmi ahaan si aan uga horgeeyo isagana dhiciyo macallinka waana waayay, tusaalahan aan kuu sheegayo waxay haystaa arday walba oo iskuul dhigta intaa iyo kabadanna waa ku dhacayaan.
Ogoow akhristoow ardada waa dadka ay fiirsanayaan dadka oo dhan, dugsiga sare waxaan ku dhiganaynay markaas 27 arday. Macallimiinta kale waxay kasoo bixi jireen dugsiga Maccestrale oo lagu dhigi jiray afka talyaaniga. Macallimiinta inta tukato waa nadir xataa kan diinta dhiga ma tukado. Waddamo badan ayaa waxaa ugu horreeyn laga furay kulliyadaha waxbarashada ujeedada waxay ahayd in la helo macallimiin xambaarsan fikirka galbeedka oo soo saaro hoggaamiyayaashii barrito, waase usoo noqon doona ujeeddo ayaan kaleeyahay xusiddan.
Mashruuca islamka iyo kacaanka:
Sida aan kuu soo sheegay waxaan u wareegnay beesha hantiwadaagga ee uu hogaaminayo USSR (United Soviet Socialist Republics) ,madaxweeynihii dalka ayaa ku dhawaaqay in la qaatay hantiwadaagga cilmiga ku dhisan (scientific Socialism) oo aabbayaal u yihiin Karl Marx iyo Lenin. Gumeeysigii wuxuu ka tagay maxkamado lagu xukumo shareecada islaamka gaar ahaan waxa la xidhiidha arrimaha qoyska sida; dhaxalka ,guurka furriinka iwm, oo uu fadhiyo qaaddi diinta islamka yaqaan.
Janaayo 11, 1975 ayaa kacaanka soo saaray sharcigii xeerka qoyska ee”sinnaanta ragga iyo dumarka” Jan 1 7,1975 maalin jimce ah ayaa wadaad ka istaagay masjidka Sh. Cabdulqaadir magaciisana ahaa sheikh Maxamad Axmed wuxuuna gacanta bidix ku qabtay wargayskii lagu qoray go’aankii xeerka qoyska, gacanta midigna quraanka isagoo leh makanaa cadaalad ah mise kan. Shiikh kale oo magaciisa la dhihi jiray Sh. Muuse yusuf oo masjid kale ka hadlayayaa tilmaamay in aan Ruush wax naga dhexeeya jirin ee shartiisa allaha na dhaafiyo , nin kale oo sheikh masaari ahna waa ka hadlay oo markii dambe dalka laga musaafuriyay. Waxay culimada ka hadlayaan axkaamtii qoyska ee yarayd ee uu talyaaniga ka tagay oo ka haray shareecadii islaamka oo dhan maxaa loo bedalayaa?. Waxaa dhacay kacdoon bulsheed oo xoog badan kuna sigtay kacaanka inuu dhaco. Kaddib waxaa la xidhxidhay dad aad u farabadan kadibna waxaa lasoo joojiyay maxkamad,xukunkii wuxuu u dhacay sida tan:
Subax Khamiiseed ee ay bisha Muxarram ahayd 11ka sanadkii 1395kii, kuna beegnaa 23kii January 1975kii ayaa Idaacaddii Raadiyow Muqdishu laga sii daayay war argagax iyo cadho ku beeray shacabkii Soomaaliyeed, inkastoo aanay wax fal ah oo ay kaga hor tagayaan arrintaasi aanay waagaasi qaadin haddana qof kasta meel uu joogayba hoos u foorarsay. Warkii Radio Muqdishu sii daayay oo aad u koobnaana waxa uu u qorraa sidatan:-”Sida ay sheegayso wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA waxaa saaka subixii dil toogasho ah lagu fuliyay 10-kii qof ee ay maxkamadda badbaadada qaranku ku xukuntay dilka , waxaana lagu toogtay oo dilkaasi lagu fuliyay garoon u dhaw dugsiga booliska ee ku yaala xeebta badda, magacyadooduna waxay kala yihiin:-
1-Sheekh Axmed Sh. Maxamed
2-Sheekh Muuse Yuusuf
3-Sheekh Axmed Iimaan
4-Cali Xasan Warsame
5-Xasan Ciise Iley
6-Maxamed Siyaad Xirsi
7-Cali Jaamac Xirsi
8-Aadan Cali Xirsi
9-Saleebaan Jaamac Maxamed
10-Yaasiin Cilmi Cawil
Maxkamadda badbaada qarankuna waxay ku eedaysay dambiilayaashaasi horteedana ay kaga caddaatay in 10-kaas eedaysane ay si wadajir ah uga hor yimaadeen xeerkii ay sida wadajirka ah iskugu raaceen kana soo baxay golaha sare ee kacaanka, iyo golaha wasiirada 11-kii January sanadkii 1975kii, kaasoo ku saabsanaa sinnaanta ragga iyo dumarka, waxa ayna maxkamaddu u cuskatay xeerka lambarkiisu yahay 12 qodobkiisa 54-aad ee soo baxay 10-kii bishii 9-aad sanadkii 1970ki”(1)
Xukunka waxaa ridday Maxkamadda Badbaadada Dalka oo aan laga qaadan Karin racfaan.
Xilligaa in badan oo saxwada ah waxay ku maqnaayeen ololihii baridda afka soomaaliga,kacdoonkan wuxuu ahaa mid shacbi ah oogilgilay dowladda. Fulintii dilkana waxay farriin xooggan u dirtay ciddii istitraahada waxaad ka hortagi kartaan mabda’ hantiwadaagga ee wadiidiisa cagta saaray.
Raga kacaanka hoggaaminayo waa saraakiil kasoo wada baxay inta badan kulliyadaha dalka Talyaaniga sida Modena iyo kuwa ingriiska sida Sanders iyo kuwa carabta sida Masar, waxaa lagu sheegaa inay tukadaan labo nin Cismaan Maxamad Jeelle iyo Axmed Xassan Muuse, diintaa wax lagu dhaqi karaa iyo fahamkeeda aad iyo aad ayay uga fogyihiin, waa rag ay ka go’antahay in ay waddankooda horay u mariyaan, kana saaraan dib u dhaca, laakin shareecada in wax lagu xukumi karo xagga iska dhig oo waxay kala midyihiin madax badan oo ah kuwa ka taliyo dunida muslimka.
Madaxtooyada masaajid maleh, iskuulaadka ,jaamacadaha waa sidoo kale, kulliyadda jaalle siyaad ee saraakiisha kasoo baxaan masjid ma lahan, ninka yidhaahda waa tukanaa waxaa ku adkaanaya in uu helo waqti uu ku tukado iyo meel uu ku tukado. Welwelka ugu wayn waa sidee u tukataa ama diintaada u haysataa adigoo waxbaranaya ama shaqaynaya.
Tusaale ahaan waxaan xusi karaa, Lix gabdhood ayaa laga raacdeeyay kulliyadda lafoole, waxaa la yidhi kala doorta qaadashada xijaabka iyo waxbarashadiinna aad soo waddeen, waxay doorteen in aanay dhigin xijaabka alle ku faradyeelay/waajibiyey, gabdhaha waa gabdho soo dhamaystay waxbarashadii dugsiga sare oo aad u adkayd, waxaa dhibka cayrinta ka daran waalidka oo dhan oo u arkayo qof dhintay oo ku ciyaaray mustaqbalkiisii, dadaalkii waalidkana kadhigay halbacaad lagu lisay, ma aha gabdho akhlaaq xun sababta lagu cayrinayo, kaliya waa qaadashada xijaabka oo ahaa wax lala yaabo waqtigaa, waad garankartaa culayska gabdhahaa fuulay iyo waxa ay u adkaysteen,waxaad ku qaboowsataan maanta in aan Iskoolaadka soomaaliya dhamaantood ama in badan oo kamid ah aan la aqbalayn gabar aan xijaabnayn, waxaan rajaynayaa gabar kasta oo Xijaaban oo Soomaali ah ama xijaaban doonto in uu ajar idikaga socdo, abaalka aakhirana waa kasii wayn yahay bi idni laah.
Gabdhahaas waxay kala ahaayeen;
- 1. Caasho Salad oo hadda yemen joogta (xaaska Cali Muuse Ciise)
- 2. Khadiijo Garwayne kuna nool Toronto (Marwada Sh. Maxamuud foodcadde Allaha jannadii ha ka waraabiyee ka geeriyooday)
- 3. Qaali Maxamed Cabdi (allaha u naxariisto)
Iyo saddex gabdhood oo kale. Illaahay waxaan uga baryayaa inuu naarta ka xijaabo, xariirta Janadana labis uga dhigo, idinka waxaan idinka rajayanayaa inaad u ducayn doontaan.
Akhristoow amaad istiraahdaa wadaadka ma dhul gaaluu ka sheekaynayaa, maya ii sug wax yar.
Mashruuca Islaamka ee Soomaaliya raggeedii waxay go’aansadeen in ay marka ugu horraysa is dhisaan oo ay soo saaraan rag kun nin u dhigma iyo in arddada soo dhamaysata dugsiyada sare loo jiheeyo laba qeeybood :
b- Milateriga
t- Waxbarashada
Labadaan mu’asaso waa labada laga fasahaadiyo dunida muslimka, tan hore waa xoogga loo adeegsado fulinta mabda’ kasta oo xun iyadoo isla markaana ah awoodda lagu caburiyo shucuubta muslimka ah. Tan dambe waa midda barbaarisa facyaalka soo kacayo oo dhan waxa wax barbaarinayana waa macallimiinta kasoo baxday kulliyadda waxbarashada lafoole.
Ardada kasoo baxaysa waxbarashada, reerahoodu waxay u sugayaan sida reer sabool ah oo hal neef oo dhalaya leh sida ay u sugaan, waxaa lasii qorsheeynayaa meesha waxbarasho ka gali lahaa iyo shaqada uu qaban lahaa si reerka u soo galiyo dhaqaale fiican, haddii uu ardayga yahay wadaad waxaa in badan iska horimaanayo qorshihii reerka iyo kii xarakada islaamka, waxay ku qaadanaysaa waqti in uu ka qanciyo reerka meesha loo dooray, sidaa daraadeed waa inuu reerka qorshahooda raacaa haday u diraan labada kuliyadood ee aan soo xusnay meel aan ahayn, oo uu markaas jabiyaa istraatijiyadii dhaqdhaqaaqa islaamka.
Waxaad ogaataa ardada wadaaddada ah inay yihiin ardada xagga aqoonta ugu sarraysa iskuulaadka, taasoo meesha ka saartay in hoos loo fiiriyo wadaadka, waa la yaqaannay fagaarayaasha waxbarashada marjica waxay ahaayeen wadaadada.
Walaaha waxdada waxay ka fureen Hargaysa iskuullo gaar ah oo laba ujeeddo kalahaayeen,in ay raggooda ku dhisaan aqoon ahaan iyo in ku kasbadaan ardada kale waxaana kasoo baxay rag waawayn oo dacwada wax wayn ka taray. Mararka qaarkood waxay nafta iigu sheekayn jirtay war xaggee ka iman nasriga Kooxdii u horraysay waxay aadeen Russia, kooxdii labaad waxay ku xaroodeen kulliyadda Jaalle Siyaad.
Waxay ahaayeen 5 nin, waxaa maalmihii koobaadba lasoo cayriyay saddex kamid ah, maxaa lagu soo ceeyriyay? Sheekadan waa taariikh yaanay ku dhaafin, layli saraakiishii ayaa waxay ku jireen hoolka shirarka waxaa khudbad u jeedinayay sarkaal sare, waxaa soo gashay salaaddii maqrib, wadaaddadii waa kuurkuursadeen war see yeelnaa salaaddii waa joogtaa? Mid baa gacanta taagay waxaa la waydiiyay wuxuu rabo, wuxuu yidhi waan soo tukanayaa, waxaa la yidhi ma jirto? markuu dhowr jeer gacanta taagay oo salaaddii loo diiday ayaa saddexdoodi midna imam noqday labana ku xirteen meel hoolkii dhexdiisa ah, iyagoo sujuudsan ayaa askar lagu dalbaday lug iyo gacan isu qabteen waxaana lagu tuuray xabsiga iyagoo aan dhammmaysan salaaddii kadibna waxaa laga tiriyay dirayskii waana la cayriyay, maanta waa joogaan.
Magacyada raggaas waxay ahaayeen;
1- Xasan Afrax Guure
2- Axmed Ducaale
3- Mahdi Jimcaale.
4- Sh. Cabdinasir Xaaji Axmed oo ragga ka mid ahaa ayaa warka faahfaahintiisa ka heli kartaa.
Ragaas ilaahay waxaan uga baryayaa in xabsiga aakhiro ilaahay ka badbaadiyo, khaa’iqda dhexdoodana uu ku sharfo maalinta ummaduhu aruman yihiin. Halkaas ha inoo joogto lasoco qoraalka danbe insha allaah. Aad ayaan ugu mahad celinayaa dhamaan inta ducada iyo dhiira galinta qoray ama ila soo xiriiray, Jazaakumu laahu khayran.
Waa inoo qormada soo socota insha allaah.
Qore: Sheikh Cabdiraxman Sheikh Cumar
burdhinle@yahoo.com
Archives |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
16 Comments so far
Leave a comment
Sheekh C/Raxmaan Sh.Cumar waa macruuf , waana caalim kamida culimada baaqiga ka ah culimadii soomaaliyeed ee xikmada iyo cilmiga ku caan baxday..
asc sh abdi rahmaan aad ayaa umahadsantahay sida wanaagasan ee aad wax noogu sheegayso waxaan ahay 22sano ku nool qurnaha aad ayaana kuugu duceeyaaa markaan aqriyo qisooyinka aad noo soo gudbiso ilaahay waxaan kaa baryayaaa inuu kaa abaalmariyo maalin aysan qaraabo iyo awood lasheeto ayan jirin adiga iyo intii maanta saxwada aan ku faano usoo halgamay maskaxdaada ilaahay hakuu barakeeyo gacanta aad ku qortana ilaahay tii koraysa hakaaga yeelo asc wr wb
shiikh cabdiraxmaan shiikh cumar ilaahay waxaan kaagabarayaa in aduunka iyo aakhiro adiga iyo dhamaan ehlkaga naxariistiisa indenku hadheeyo aad iyo aad waxaan kaaga mahad celinayaa maxaa yeelay maadama garaad fiican aanan kuyeelan oo taariikh ka haysan ugu damayan ilahay haku xafido sc
ASC
jazakumulaah wanawara qabraka sheekh C/rahmaan sh cumar.xaqiiqatan waa taariq aad u qiima badan,waxaa ugu sugan dhalinta aan kamid ahay cilmi iyo xikmad badan waxaase fahmi kara cidii ilaahay fahamsiiyo hadana leh caqli fiyow iyo garasho dheer ilaahay xaqa hanafansiiyo dhamanten.
waxaan rabaa in aan ku baraarujiyo walaala musliminta ah oo afka somaliga ku hadashada anagoo kawada faidaysanayna tariqda sheikh uu goobgoga ka ahaa dhinacyo badan oo ay kamid yihin, sidii ay cariiriga ugu jirtay dacwada islaamiga ah,dhibka faraha badan oo loo gaysanayay culimada iyo ducada,qaabka tacliimed ama bulasho oo ay ufakarayen dhalinta iyo siyaasiyinta wadanka ee waqtigaas jirtay.Arintaas hadii aad barbardhigtid waaqica maantay lagu jiro jaanibka diinta iyo sida ducaadi waqtigaas jirtay dadaal iyo shaqo dheer kadib ay ugu gulaysten afkaarihi kala duwanaa iyo dhagarti loo soo maleegay dadka musliminta ee somaliyed waxaad sifudud u ogaanaysa in culimadeena iyo ducaadu ay kamiro dhaliyeen hadafkoodi loona baahanyahay in aan dib loogu ciyaarin dadaal dad badan dhigodi udaatay ee meeshas laga siiwado.dhilinta waxaan leeyahay muriqeena iyo maskaxddena aan oga faaidayno dadkena,dintena iyo dalkeena wax dantoodu kujirto anagoo kashayanaa culimadeena,aqoonyahanka iyo dhaman waxgaradhka bulashada.Gacmo wadajir bay waxku gooyan
Asxaabta iga raali noqda hadii aan dheereyay mowduuca baa ilabaahay.Ilaahya waxaan kabaryayna towfiiq iyo jidka toosan in uu nagu hanuuniyo
asc
Sheekh alaah haku xifdiyo qalinkaagana alaah habarakeeyo adiga okalana alaah hanoobadiyo qormodaada aad ayaa loo xiisaynayaa waana waxa ayxambaasantahay ama ay kataramayo isbarbardhig shalay iyo maanta waxayna radis xigmadaysan utahay rag ama koox qabta in aan looga haraynin mashruuca islaamiga ah wad qoraalada sheikh alaah hakuxafidee waana uducaynaynaa cidkasta oo diintaan loosoo dhibay.
As
Sheekh C/raxmaan Illaahay ha kaa abaalmariyo taariikhda aad soo xustay iyo waliba dhacdooyinka aad u heyso hebel hebel,meel meel iyo maalin maalinba waxaase u rajeynayaa akhristayaashu in ay u fahmaan qoraalka ujeedadiisa ah ninaam ogeyn wixii shalay jiray ma garan karo waxa maanta jira mana saadaalin karo waxa berri soo socda horay ayaana loo yiri “gadaal ka gaarbaa goobtii dumiyey”.
Asc
ASc.
Sheekh C/raxmaan, Allaah Danbigaada iyo kii waalidkaa ha dhaafo, Amiin
Uurdoox Waa qoraal aan aad ula socdo, macluumaad iyo Taariikhna aan ka faa,iido, waayo aniga waxaan dhashay 1979 marka aad ayaan u siiseeynaa in aan wax ka ogaado xaaladii hore ee gayiga soomaaliya.
Sh. C/raxmaan Cashirkaan sugitaankiisa ayaa dharar sadaa ee kheeyr allaha ku siiyo ee noo soo dadaji.
Sheekh c/caxmaanoow horay usoco waad nakicisay anagu waxaan sugaynaa markaad nasoogaarto waxaan dhihi doonaa waaruntaa,waaruntaa ,waaruntaa, akhristoow{ uurdoox macaanaa oo maskaxda uroonaa ma malab eebeheenbaa} alahayoow sheekheena barakee oo bir iyo boog kahay baryahan danbe waa burqaday
Acw
Shiikh Abdirahman waxaan kaa codsan lahaa in taariikhdan iyo waaya aragnimadan aad mareegtan ku koobtay ay noqoto mid ummaddu kawada faa’iido.markaa inay intan ka ballaadhato ayaan soo jeedinayaa waayo hadda waa laga gudbay waqtiigii qarsoodiga diinta loo faafin jiray. Markaa quraanjo ha ku quusatee maad warkan dhayda ka caddaysid.waqtigii ka Dhibka badnaaba waa U soo dulqaadateen oo aad qoorta dhigateen adiga iyo raggaagiiba.illaah baa abaalkiina gudi kara.
Ummadda intii caqli u saaxiib ahina waa maqashay,illahay dartii baan kuu jecelahay ee xogta iyo cilmiga aad ummaddan u gudbinaysid yaanu ka muuqan xaqa oo la qariyey,ama laga leexleexday sida dadka qaar u haystaan.adna Xaqa Allah ha kugi dilo .wa billahi tawfiiq.
SALAAMUN CALAYKUM, Sheekh C/raxmaan Jazaakallaahu kheyran Allaha ku xifdiyo cumrigaagana ha kuu barakeeyo, runtii tariikhda sida amaanada leh aad u soo gudbineyso waxaan rajeenayaa in Alle ku anfici doono dad badan oo aan waxbadan kala socon sooyaalka dacwada iyo maraaxishii ay soo martay, taasoo keentay in lagu fududaado waxka sheega culimadii u soo dhabar adeegtay badbaadada umada, Waxaan alle ka baryayaa inuu Alle qoralkaaga ku anfaco in badan oo aan baraarugsaneyn, حياك الله وبارك فيك وأطال الله عمرك على طاعتهز
jizaakallahu kheeyran sheikh c/raxmaan ,waxaan allah kaga baryayaa in uu beeyd kaga dhiso janatulfardowsa adiag iyo ehelkaagaba , waxaan aan kaa codsanaya in aadan ka caajisn qoraalkan oo aad noo dhameyso hadii allah idmo ,qoraalkaagna waxan rajeeynaya in uu noqndoon mid baal dahaba ah ka galo nolosha umada soomaliyeed meel kasto ay dunida ka jogan oo ay markasto aqriyaan ooay ogadan marxaladah ay soo mareen umada somaliyeed & wadaka ay ka yimaadeen. inshalah waxa aan sugnaa waa q/6aad hadii allah dimo {Aaamin yaa rabi}
asc shiekh alaha ka abaal mariyo wanagaga iyo waqtiga qimaha badan e aad ku bixisay sheikh aqriska maqaalkan culees in aan ka dareemno managa mudna xaqiiq bal waba dhararna qaybaha kale inta ayka imanayan malinkasto wan fiiriya bal in uurdoox laso galiyay ilahey waxnaka barya inu naga dhigo kuwi ku wano qato naguna anfaco adina miizanka malinta qayamaha kugu daro amin amin
Jazaakallaahu kheyral jazaa’ markii aan akhriyey qoraalkaan walaahi ilmo ayaa indhahayga ku soo istaagtay.
waxaan idinleenahay dadaalka aad wadaan hakagaabinina maxaa yeelay allaow nin aan wax ogayn hacadaabin ayey somalidu tiraahdaa
marxalada laga soo maray mashruuca islaamiga ah ee somaliya iyo meesha maanta ladoonayo in lagu jaheeyo waa laba waji oo kala duwan sidaas daraadeedd waa in aad labalaabtaan dadaalkiina oo walibana TV loo,adeegsado insha allaah
Sheekh ilaahay haka abaal mariyo waxan ula socdaa qoraaladada si aan caadi ahyn, dadka diinta dartiisa loo soo dhibateyay,sheekhow maad qoromadada buug ka dhigtid? Waa muhiim runtii.
khayr Illaahay ha ku siiyo sheekh adiga iyo intii diinta loo soo dhibay.
Jazaakallaahu kheyral jazaa’, Sheykhanaa darsigaan waa muhim wad ilaa aad ka gaarto qasdigii aad u gunuday markii horeba Allaahna hakuugu kaalmeeyo. Wallaahil Cadiim waxaa qormadaan kicisay dareenkayga markaan akhriyay akhawaatka Ilaahay dartiis ku waayay diraasadoodii jaamacada iyo Walaalaha lagu ciqaabay salaada ay tukanayeen darteed. Sheykhanaa Ilaahay haku xifdiyo. Walaalaha kale, miyaysan walaalahaas naga mudnayn inaan ixtiraamno? Ma maantay ayaan anagoo shalay nimid aan hada ku aflagaadaynaynaa anagoo waliba aan xujo haysan. “Allaah waxaa ka cabsada oo kaliya adoomihiisa cilmiga leh” waa aayad quraan ah. Ma culumadaan raacnaa si aan u badbaadno mise kuwa takfiirinaya oo tafsiiqinaya muslimiinta cilmi la’aan. Kallaa wallaahi inaysan caqli iyo gar ahayn inaan dad mun xarifiina raacno oo maalinba maalinka ka dambaysa sii siyaadinaya dacninta Culumada. Ha la ogaado culumada hilibkooda waad ku sumoobi doontaane. Ilaahay culumada guud ahaan hanoo xifdiyo cilmigoodana hanagu anfaco,Allaahuma aamiin.