Wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka IGAD oo Jabuuti shir uga furmayo maanta
February 10, 2012 - Written byJabuuti:-Waxaa maanta si rasmi uga furmi doona magaalada Jabuuti Shir gaar oo yeelan doonaan wasiirrada arrimaha dibedda ee urur gobolleedka IGAD, waxaana shirkaas lagu falanqeyn doonaa arimaha Soomaaliya ,kulanka ayaa waxaa DFKM uga qeyb gali wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim iyo wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah C/llaahi Barre Goodax
Shirkan maanta uga furmay wasiirrada arrimaha dibedda ee urur gobolleedka IGAD ayaa waxaa sidoo kale looga hadli doonaa shirka bishan gudaheeda ka furmi doona magaalada London kaas oo sida la sheegay xal loogu raadinayo arimaha iyo qalalaasaha ka socda dalka Soomaaliya mudo ka badan 20 sano.
Kulanka ay saaka yeelanayaan wasiirrada arimaha dibeda ee urur gobolleedka IGAD ayaa waxaa ka horeeyey shir ay yeesheen kooxda ICG iyaga oo hadlay arimaha ay ka mid yihiin arrimaha amniga, gaar ahaan sidii loo sii wadi lahaa howlgaladda looga soo horjeedo Al-Shabaab, inshacabka loo abuuro nolal gaar ah iyo in la taageero Shirka magaalada London ka furmaya 23 February 2012.
Shirka ka furmi doona magaalada London 23 February 2012 ayaa waxaa dhagaha u wada taagaya shacabka Soomaaliyeed iyada oo ay durba so baxayaan in la doonayo in la galiyo Soomaaliya Maxmiyad ka dib markii ay Soomaalidii ku fashilmeen in ay heshiiyaan oo ay dhistaan dowlad u gaar ah taas oo ay masuuliyadeeda qaadi doonaa wadaad iyo waranle
A/Cawale
Halgan.net