Wasiirka Cadaalada ee dalka Jabuuti ,Shariif Xasan iyo Augustine Mahiga oo gaaray Garoowe
February 15, 2012 - Written byGaroowe:-Wafdi uu horkacayo Gudoomiyaha baarlamaanka DFKM Shariif Xasan Sh Aadan ayaa goordhow ka soo degay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland. Gudoomiyaha Baarlamanka DFKM Shariif Xasan Sh Aadan ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe waxaana safarkiisa ku weheliya qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka DFKM .
Shirka wada tashiga oo maanta ka furmaya Garoowe ayaa waxaa soo gaaray sidoo kale ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qabilsan arrimaha Soomaaliya, Augustine Mahige iyo wafdi balaaran oo ka socda dowlada Jabuuti oo uu hogaaminayo wasiirka Cadaalada iyo owqaafta dalka Jabuuti Xaamud Cabdi Suldaan .
Warka oo faahfaahsan kala soco halgan.net
M_M Deeq
Halgan.net