Wasiirka Horumarinta iyo xariirka Caalamiga ee dalka Norway oo Muqdisho soo gaaray
February 19, 2012 - Written byMuqdisho:-Wafdiga oo uu hogaaminayay Wasiirka Horumarinta iyo xariirka Caalamiga ah ee Dowladda Norway Erik Solheim ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana uu kulan la qaatay madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Ahmed kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin .
Ka dib markii uu soo dhamaaday kulankii ay wada qaateen Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed iyo Wasiirka Horumarinta iyo xariirka Caalamiga ah ee Dowladda Norway ayaa waxaa warbaahinta magaalada Muqdisho la hadlay Wasiirka G/dhiga DFKM Xuseen Carab Ciise wuxuuna sheegay in madaxda DFKM iyo wasiirka Horumarinta iyo xariirka Caalamiga ah ee Dowladda Norway ay ka wada hadleen xaalada dalka Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa iyo xoojinta xiriirka labada dal.
Wasiirka Horumarinta iyo xariirka Caalamiga ah ee Dowladda Norway Erik Solheim oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in amaanka Magaaladda Muqdisho uu yahay mid aad u wanaagsan islamarkaana la isku haleyn karo, wuxuuna xusay in dowlada Norway ay garab istaagi doonto shacabka Soomaaliyeed oo ay dowlad la,aan heysay mudo ka badan 21sano.
A/cawale
Halgan.net