Xaaladda magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo saaka degan
February 12, 2012 - Written byHiiraan:-Xaaladda magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saaka waxaa laga dareemayaa deganaansho ka dib markii dagaal xooggan uu shalay ku dhexmaray gudaha magaalada B/weyne labo maleeshiyaad oo kuligood sheegay in ay taabacsan yihiin DFKM.Waxgaradka iyo Odayaasha Gobalka Hiiraan ayaa ku guuleysatay in ay xabad joojin dhexdhigaan labada ciidan iyaga oo haatan ka dhex wada dhexdhexaadin iyo in wixii khilaaf ah lagu dhameeeyo wada hadal lana joojiyo in shacabka lagu dhexdagaalamayo.
Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa kulan la qaatay labada dhinac ee shalay ku dagaalamay magaalada B/weyne lamana oga ilaa haatan waxay ku wada hadleen iyaga oo soo galiyey magaalada B/weyne ciidamo dheeraad ah.
Wasiirka amniga Qaranka ee DFKM Cabadisamad Macalin Maxamuud oo ka hadlayay dagaalkii Beledweyne ka dhacay shalay ayaa sheegay in uu ka xun yahay in magaalada B/weyne uu dagaal ka dhaco wuxuuna sheegay in magaalada B/weyne la geyn doono ciidamo ka tirsan AMISOM .
A/Cawale
Halgan.net