Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo dilka agaasimaha idaacada Somaliweyn ku eedeeyey DFKM
February 28, 2012 - Written byMuqdisho:-Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka DFKM ayaa waxaa dusha uga tuuray dilka Agaasimihii hore ee idaacada Somaliweyn Marxuum Abuukar Max’ud Kadaf DFKM .Salaad Cali Jeelle waxaa uu cadeeyey in Agaasimihii hore ee idaacada Somaliweyn Marxuum Abuukar Max’ud Kadaf uu ku howlanaa dhisida maamul goboleedka Ex Banaadir wuxuuna ku tuhmay in ay joojisay howshii uu waday wasaarada arimaha gudaha ee DFKM wuxuuna sheegay in uu tuhun ka qabo in loo dilay abaabulka uu waday Agaasimaha Somaliweyn .
Salaad Cali Jeelle ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Agaasimihii hore ee idaacada Somaliweyn Marxuum Abuukar Max’ud Kadaf waxaa kale oo uu sheegay in dilkiisa meelo badan lagu tuhmayo sida Ururka Al-Shabaab.
Ilaa haatan ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca DFKM iyo Al-Shabaab oo ku aadan dilka Agaasimihii hore ee idaacada Somaliweyn Marxuum Abuukar Max’ud Kadaf .
A/Cawale
Halgan.net