Dagaal ka soconaya deegaanka Muudaale ee gobbolka Gedo
April 9, 2012 - Written byGedo:-Wararka saaka naga soo gaaraya Degmada Baardheere ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka socdo deegaanka Muudaale ee gobolka Gedo ka dib markii ay ciidamada DFKM iyo kuwa Kenya ay duulaan ku soo qaadeen deegaanka Muudaale waxaana jilibka u dhigay ciidanka Al-Shabaab oo difaacyo adag ku lahaa duleedka deegaanka Muudaale ee gobalka Gedo.
Deegaanka Muudaale ayaa u jira qiyaastii 50-km u jira degmada Baardheere ee gobbolka Gedo waxaana wili ka socda halkaas dagaal culus oo la sheegayo in ay qeyb ka yihiin diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya kuwaas oo duqeyn kuwada degaanka Muudaale sida dad goobjoog ah ay u sheegeen saxaafada.
Saraakiil katirsan Ciidamada DFKM iyo kuwa Kenya ayaa dhowr mar weeraro ku qaaday deegaanka Muudaale iyaga oo ku fashilmay in ay qabsadaan ama ku dhawaadaan Degamada Baardheere oo ah degmo muhiim ah .
Degmada Baardheere ayaa waxaa gacanta ku haya ciidanka Al-Shabaab waxaana ku sugan masuuliin sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo uu ka mid yahay Afhayeenka ururka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ee dhawaan ku biiray ururka Al-qaaacid.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net