Madaxweynaha DFKM oo booqday maanta qeybo ka mid ah Degmada Dayniile
April 11, 2012 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa maanta kormeer ku tagay Difaacyada hore ee ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM ay kaga sugan yihiin Degmada Dayniile
Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa ka codsaday ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM in ay weeraraan deegaanada Ceelasha biyaha iyo Degmada Afgooye wuxuuna eedeeyn u soo jeediyey Ururka Al-Shabaab isaga oo sheegay in ay afduub u haystaan dadka ku dhaqan Ceelasha biyaha .
Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed ayaa waxaa kormeerkiisa ku weheliyey wasiiru dowlaha wasaaradda G/dhiga Maxamuud Macallin Nuur iyo ciidanka DFKM Gen Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhago-badan) iyo saraakiil sare o ka tirsan ciidanka AMISOM .Jen Dhagabadan ayaa ku faanay in ay dhawaan tagi doonaan gobalada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe .
Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ayaa laba goor ku fashilmay in ay xoog ku qabsadaan waxaana ka soo gaaray khasaaro balaaran iyada oo laga dilay ciidanka Burundi 100 askari waxaana laga dhaawac tiro intaas ka badan.
A/Cawale
Halgan.net