Nadwo cilmiyeed diini ah oo ka socotay Masjid Rowda ee magaalada Boosaaso oo gashay habeenkiii labaad
April 20, 2012 - Written byBoosaaso:-Waxaa maalintii labaad ka socota masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari Nadwo cilmiyeedkii 10-aad oo ay ka qayb galayaan culimo iyo ducaad kale duwan , Nadwada caawa oo gashay habeenkii labaad ayaa waxaa dhagaysanaya dad weynaha iyo bulsha weynta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolks Bari.
Culimada ka qayb galaysa Nadwada ka socota Boosaaso ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Dr.Bashiir Axmed Salaad oo shalay jeediyey darsigii ugu horeeyey isagoo uu Sheekh Dr. Bashiir Axmed Salaad uga hadlay Mowduuc ciwaankiisu ahaa (منهج الأصلاح و التغيير عندأهل السنة و الجماعة ) wuxuna ugu horeyn fasiradaad cilmiyaysan ku sameeyay mowduuca oo uu ku sheegay in uu noqonayo Manhajka Wanaajinta iyo badalidda ee Ahlu Suna wal Jamaaca.
Dr Sheekh Bashiir Ahmed Salaad waxaa uu si guud dulmar ugu sameeyay Mowduca iyo dhinacyada uu taabanayo wuxuna xusay in Manjahka Ahlu Sunna wal Jamacad uu yahay mid gundhigiisu yahay howshii Ambiyadda Alle loo wakiishay ama loo soo dhiibay oo ah in ay dadka Diinta Alle gaadhsiiyaan .
Muxaadarada caawa oo haatan socota ayaa waxaa soo jeedinaya Sheekh Ahmed cabdi Samed iyo Sheekh Maxamed Macalin.
Muxaadarada caawa oo cod ah iyo warbixin teed dib idinkaga soo tabin doonaa haddii alle idmo
M_M_Deeq
Halgan.net