Raisulwasaaraha DFKM oo tacsi u diray eheladii Beeldaaje Faarax (Warsaxaafadeed)
April 9, 2012 - Written byMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta tacsi u diray shacabka oo ku wajahan geeri ku timid mid ka mid ah Madax dhaqameedka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa yiri “Ugu horreyn waxaan shacabka soomaaliyeed iyo gaar ah qoyskii iyo eheladii uga tacsiyeynayaa geeridii shalay fiidkii (Axad 08 April) ku timid Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdullahi Beeldaaje Maxamed oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Al Cayn ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).”
“Geeridu waa xaq, waqtigiisa ayaana dhammaaday, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo IIMAAN ka siiyo.” Ayuu sii raaciyey Ra’iisul Wasaarahu.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in Beeldaaje Faarax uu ahaa oday dhaqameed Soomaaliyeed oo waqtigiisa inta badan geliyey sidii beelaha Soomaaliyeed ay ugu wada noolaan lahaayeen nabad iyo barwaaqo. Beeldaaje Faarax waxuu ahaa shaqsi karti iyo hufnaan leh oo door hoggaamineed ka qaatay isu keenida, wadajirka iyo wada noolaashaha beelaha Soomaaliyeed.
– DHAMMAAD –
Xafiiska Raisulwasaarae Cabdiweli Gaas