Wafdi ka socda Bangiga Aduunka iyo Booliska Interpolka oo gaaray Garoowe
April 10, 2012 - Written byQardho:-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimada dowllada Puntland wafdi ka socda Bangigga Aduunka iyo Booliska loo yaqaan Inter polka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ka hortaga Daroogada iyo danbiilayasha UNODC, wafdigaan ayaa markii ay soo gaareen magaalada Garoowe waxaa soo dhaweeyey masuuliyin ka tirsan dowllada Puntlland.
Wafdiga ka socda Bangiga Aduunka iyo Madaxd Interpolka UNODC ayaa waxaa ay kulamo gaar ah la qaateen Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdi raxmaan Faroole iyo Wasiirka dekeddaha iyo gadiidka Badda ee Puntland Eng.Siciid Maxamed Raage , Wafiga ka socda Bangiga Aduunka ayaa waxaa ay horay ugu balan qaadeen Puntlland in ay ka fulin doonaa mashaariic wax looga qabanayo burcadbadeedka.
Wasiirka dekeddaha iyo gaadiidka Badda ee Puntland Eng, Siciid Maxamed Raage ayaa saxaafada u sheegay in ciidanka Booliska ee loo yaqaan Interpolka ay kala hadleen lacagaha faraha badan ee la siiyo kooxaha buracadbadeedka ah iyo shaqsiyaadka kale duwan ee u qaabilsan dulaalka ee ku nool dalka dibada una qaabilsan la xiriirka caalamka marka ay burcadbadeedku ay qabsadaan Maraakiibta.
Wafdiga ka socda Bangiga Aduunka Booliska loo yaqaan Interpolka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ka hortaga daroogada iyo danbiilayasha ayaa ilaa hadda waxaa ay kulamo gaar gaar ah la qaateen wasaaradaha Puntlland ee kala ah wasaarada maaliya , Wasaarada Arrimaha gudaha , Wasaarada ganacsiga.
M_M_Deeq
Halgan.net