Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalka Kenya oo Muqdisho soo gaaray
April 22, 2012 - Written byMuqdisho:-Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Richard Onyonga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana uu kulan la qaatay madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed .
Wasiirka ku xigeenka arimaha dibadda ee dalka Kenya ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Aden Cade madax ka tirsan DFKM waxaana uu Muqdisho u yimid in uu dib u furo safaaradii dalka Kenya ay Soomaliya ku lahaan jirtay iyo hirgelinta Roadmap-ka.
Mr Onyonga ayaa mar uu saxaafada uu la hadlayey wuxuu yiri “Ujeedada ugu weyn ee socdaalkeygu waxay ahayd sidii aan ugu wargelin lahaa madaxweyanha Soomaaliya in Kenya ay rabto in ay dib u howlgaliso safaaradeedii”
Mar ay saxaafada weydiisayWasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalka Kenya ciidamada wadankiisa ka jooga gobalka J/hoose ayaa waxaa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo arinkaaas.
Ciidamo aan tiradooda la aqoon ayaa dowlada Kenya waxay ka joogaan gobalada J/hoose iyo Gedo iyaga oo dhowr mar duqeymo ka geystay deegaano ka tirsan gobalada J/hoose iyo Gedo waxaana ay laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net