Wasiirka cusub ee dhaqadda Shaqaalaha Maxamuud Jirde oo la dhaariyey(Warsaxaafadeed)

April 26, 2012 - Written by

Muqdisho:-Munaasab xalay lagu dhaarrinayay wasiirka cusub ee dhaqadda  Shaqaalaha, Isbortiska iyo dhalinyaradda Xukuumadda Soomaaliya  isla markaana ay ka soo qeyb galleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoona ay munaasabada dhaarta ah lagu qabtay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr. Cabdiwali Max’ed Cali Gaas, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise, Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda, Taliyaha Ciidammada Xoogga dalka, iyo Qaar ka tirsan xildhibaanadda.

Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Xasan Gaboobe ayaa dhaariyay Wasiirka Cusub ee Shaqadda Shaqaalaha, Isbooriska iyo dhalinyaradda Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Jirde Xuseen.

Dhaaryta kadib ayaa waxaa halkaasi hadal bagoodin ah ka jeediyay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu hambalyeeyay wasiirka Shaqadda Shaqaalaha, Isboortiska iyo dhalinyaradda  xilka loo magacaabay islamarkaana ummadda Soomaaliyeed si cadaalad ah.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Maxamuud Jirde Xuseen uu yahay shaqsi khibrad leh islamarkaana soo qabtay xillal kala duwan oo heer wasiiro ah haddana laga rajeynayo inuu guto waajibaadka loo idmey oo ay shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan.

-DHAMAAD –
Abdinor Abdikadir Mohamed (Daacad)
Deputy of Communication Director
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online