Afhayeenka ciidanka Kenya oo ka hadlay Maxaabiista ku jira gacanta Al-Shabaab
January 24, 2013 - Written byNairobi:-Afhayeenka ciidanka dalka Kenya Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay in aysan dowladiisa aysan wax wada-xaajood ahi aysan la geli doonin Ururka Al-Shabaab mar uu maanta wareysi siiyey wakaalada wararka ee AP(Associated Press) .
Col. Cyrus Oguna ayaa la weydiiyey wax dowladiisa ay ka yeelayso baaqa ay jeediyeen la heystayaasha Kenyaanka ah iyo digniinta ay Ururka Al-Shabaab u direen dowladiisa waxaana uu sheegay in dadka ka soo muuqaday filmka Muuqaalka ah oo ay soo bandhigeen Ururka Al-Shabaab ay yihiin dad rayid ah oo aysan ahayn maxaabiis dagaal lagu qabtay wuxuuna ugu baaqay Ururka Al-Shabaab in ay sii dayaan.
Ururka Al-Shabaab ayaa shalay soo bandhigay muuqaalo iyo masawiro ay leeyihiin Maxaabiis Kenyaan ah kuwaas oo ay Ururka Al-shabaab ka qabsadeen gudaha dalka Kenya waxaana filmka baahisay Mu’assasada Warbaahinta ee Ururka Al-Shabaab ee Al-Kataa’ib .
Ururka Al-Shabaab ayaa ugu baaqay in dowlada Kenya sii deyso maxaabiista Muslimiinta ah ee ku xiran dalkeeda iyo kuwa ay u gacan galisay dowlada Ugandha hadii arinkaas ay dowlada Kenya ay diido Ururka Al-Shabaab waxay xukun dil ah ku fulin doono laheystayaasha Kenyaanka ah oo ku jira gacanta Ururka Al-Shabaab.
Ururka Alshabaab ayaa sheegay in mudada digniinta loo dirayo dowlada Kenya ay ka bilaabaneyso 24-01-2013 oo ah caawa saq dhexe waxaana ay dowlada Kenya heystaa muddo 3 todobaad gudahood ah oo ku eg 14-ka February 2013.
Dhanka kale, xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Thuita Mwangi ayaa ka gaabsaday in uu jawaab toos ah ka bixiyo baaqa iyo digniinta Al-Shabaab wuxuuna sheegay in uusan daawan filmka muuqaalka ah oo ay baahisay Mu’assasada Warbaahinta ee Ururka Al-Shabaab ee Al-Kataa’ib .
C/Casiis Maxamed
Halgan.net