Ciidamada Booliiska DFS oo howlgalo ka wada Degmada Hiliwaa ee gobalka Banaadir
January 28, 2013 - Written byMuqdisho:-Ciidamada Booliiska DFS iyo kuwa Nabadsugida ayaa saaka howlgalo kula jarmaaday qaar ka mid ah xaafado ka tirsan Degmada Hiliwaa waxaana howlgaladaay si gaar ah uga socdaan Xaafada Waxarcadde ilaa Suuqa Xoolaha waxaana ay ciidamada DFS ku soo qabteen howlgalada 600 .oo qof
Taliyaha ciidamada Booliiska ee Gobalka Banaadir Col.Axmed Xasan Maalin oo saaka la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgalada ka socda qaar ka mid ah Degmooyinka magaalada Muqdisho ay ku sugayaan amaanka waxaana uu sheegay in haatan baaritaano lagu wado 600 ee saaka lagu soo qabtay howlgalada .
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay saraakiisha ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM dadaal ugu jiraan sidii ay uga sifeyn lahaayeen kooxaha amniyaadka ee Ururka Al-Shabaab kuwaas oo qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka fuliya magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale ka cabanaya in howlgalada ay sameeyaan ciidanka DFS kuwaas oo aan kala reebeyn dhamaan dadka oo dhan iyada oo mar marka qaarkood ay dhacdo in mudo 3 bilood ah uu xirnaado qof aan danbi lahayn ama lacag laaluush ah lagu soo furto.
A\Cawale
Halgan.net