Dagaal ku dhex maray gobalka Sh/hoose Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab
January 17, 2013 - Written byMarka:-Ciidamada Ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xalay deegaanka Ceeljeelle ee duleedka Degmada Marka waxaana dagaalka uu khasaaro gaarsiiyey ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa dalka Burundi waxaana ka dhintay 5askari halka in ka badan 10 ay ka dhaawacmeen.
Dagaalka ay Al-Shabaab ku qaadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS ayaa ahaa mid si wey loo soo qorsheeyy waxaana laba miino lagu qarxiyey gawaari ay lahaayeen ciidanka AMISOM waxaana dad goobjoogayaal ah ay xaqiijiyeen khasaarada gaaray ciidamada Burundi.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay fariisimaha Ciidamada Burundi iyo kuwa DFS ay ku lee yihiin Deegaanka Ceel
Jeelle waxaana dagaalka xaqiijiyey iyo khasaaraha gaaray ciidamada DFS iyo kuwa Burundi Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee DFS C/qaadir Maxamed Nuur .
A/Cawale
Halgan.net