Dagaalo u dhexeeya ciidanka huwanta iyo Al-Shabaab oo galabta ka dhacay Gedo
January 5, 2013 - Written byGedo:-Dagaal u dhaxeyay Ciidamadda DFS oo kaashanaya kuwa Itoobiya iyo Al-Shabaab ayaa galinkii danbe ee maanta waxay ka dhaceen deegaano u dhexeeya Degmooyinka Garbahaarey iyo Luuq ee gobolka Gedo.
Dagaalka ayaa waxaa uu qarxay ka dib markii ay ciidanka Al-Shabaab wadada u galeen kolonyo ciidamo ka tirsan DFS iyo Itoobiya kuwaas oo marayey Deegaanka labo Qori .
Ciidamada DFS iyo kuwa Itoobiya ayaa maanta duhurkii waxay ka soo ruqaansadeen Degmada Luuq ee gobalka Gedo waxaya afka saareen kuna sii jeeday Degmada Garbahaarey.
Guddoomiyaha gobolka Gedo ee DFS Maxamed Cabdi Kaliil ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dagaalka maanta ka dhacay deegaano ka tirsan Gedo isaga uu guul ka sheegtay dagaalka .
Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalka maanta galinkii danbe ka dhacay deegaanka labo Qori ,dagaalka ayaa waxaa ku dhintay sida ay sheegayaan warar laga soo xigtay dad goobjoog ah 10 qof oo ka tirsan labada dhinac ee uu dagaalka dhexmaray.
A/Cawale
Halgan.net