Garoowe oo ay ka soconayaan abaabulo xafiisyo ay uga furanayaan Ururada siyaasadda
January 30, 2013 - Written byGaroowe:-Magaalada Garoowe, ee caasimadda u ah Puntland, ayaa waxaa ka soconaya abaabulo xafiisyo ay uga furanayaan ururada siyaasadda.Ururada siyaasadda ee Puntland, kuwaasoo ka soo gudbay wajigii hore ee isdiiwaan gelinta, ayaa hadda u diyaar garoobaya sidii ay xafiisyo uga furan lahaayeen gobolada, iyadoona magaalada caasimadda ah ee Garoowe, lagu arkayo xubnaha ururada iyo taageerayaashooda oo is abaabulaya.
Urur siyaasadeedyada, ayaa doonaya inay shirar ku qabsadaan Garoowe, kuwaasoo ay ku dooranayaan madax rasmi ah, isuguna dhisayaan sidii xisbi siyaasadeed ay ugu gudbi lahaayeen, waxaana ujeeddadoodu tahay sidii ay uga qeyb gali lahaayeen tartanka doorashooyinka golayaasha deegaanka, kaasoo xisbiyada ku soo baxa ay ka qeyb gali doonaan doorashooyinka Madaxtinimada iyo baarlamaanka Puntland.
Ururada ilaa iyo hadda saansaantooda aad looga dareemayo Puntland, ayaa waxaa ka mid ah: Horseed oo ah ururka dowladda ee uu sida kumeel gaarka ah guddoomiyaha ugu yahay Madaxweyne Faroole, iyo ururka Midnimo ee uu hoggaamiyo Dr. Saadiq Enow, iyadoona ururadu ay wufuud u kala dirsadeen gobolada.
Sanadkan ayaa lagu wadaa inay ku qabsoomaan doorashooyin lagu soo xulanayo golayaasha deegaanka, kuwa baarlamaanka iyo Madaxda Puntland, iyadoona nidaamka xisbiyada badan uu yahay markii ugu horreysay ee uu ka hirgalo Puntland.
Xigasho Somalireal
Halgan.net