Geedi-socodka Nidaamka Dastuurka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland January 1, 2013.[Warsaxaafadeed]
January 2, 2013 - Written byFebruary 25, 1998 – March 12, 1998 Shirkii Wadatashiga Garoowe waxaa kasoo qeybgalay wakiilo gobollada Waqooyi Bari ee Soomaaliya, iyadoo wadatashigu ku salaysnaa sidii dadka deegaanka ay u dhisan lahaayeen maamul ay ku midaysan yihiin si ay uga bad baadaan amni-darrada iyo jahwareerka siyaasadeed ee Soomaaliya
May 15, 1998 – August 1, 1998 •Shirweynihii Dastuuriga ee Garoowe oo ay kasoo qeybgaleen Issimada Puntland iyo 480-Ergay oo ka socda shan Gobol (Bari, Nugaal, Mudug, Sool, iyo Sanaag) iyo hal Degmo (Degmada Buuhoodle) Shirweynahaasi waxaa lagu dhisay Dowladda Puntland ee Soomaaliya waxaana Garoowe loo doortay inay noqoto Caasimadda Dowladda Puntland
Shirweynahaasi waxaa lagu ansixiyay Axdiga KMG ah ee Puntland (August 1998 – June 2001),waxaana la dhisay Garsoor madaxbanaan iyo Baarlamaan ka kooban 66-xubin oo lagu xulay qaab qabiil, Baarlamaankuna wuxuu doortay Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen xilli KMG ah oo dhan muddo sadex sano ah.
Communications Office