Madaxweynaha DFS oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayey ciidamada Nabad sugida
January 6, 2013 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay maanta munaasabada lagu maamuusayey Sanad guuradii 41 aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay ciidamada Nabad sugida ee Soomaaliya waxaana uu xariga ka jarey dhismaha Hey’ada Nabad sugida ee DFS.
Madaxweynaha DFS ayaa khudbad kooban ka jeediyey munaasabada lagu maamuusayey Sanad guuradii 41 aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay ciidamada Nabad sugida ee Soomaaliya waxaana uu u mahad celiyey ciidamada CID isaga oo shahaadooyin iyo Abaalmarino kala duwan gudoonsiiyay Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan ciidanka nabad sugida ee DFS.
Munaasabada lagu maamuusayey Sanad guuradii 41 aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay ciidamada nabad sugida ee Soomaaliya ayaa waxaa kale oo ka soo qeyb galay saraakiil ka tirsan qeybaha kala duwan ee Ciidanka DFS waxaana khudbad kooban ka jeediyey Agaasimaha guud ee hay,adda Nabadsugida DFS Axmed Macalin Fiqi wuxuuna ka warbixiyey waxqabadka ciidanka hay,adda nabadsugida DFS iyo waxyaabihii ay qabteen.
Tan iyo markii ay dhacday dowladii dhexe ee Soomaaliya oo uu majaraha u hayey Maxamed Siyaad Bare ayaa waxaa burburay dhamaan qeybihii kala duwanaa ee ciidanka Soomaaliya taasna waxay keentay in ay tayo lahaan waayaan qeybaha kala duwan ee ciidamada DFS .
A/Cawale
Halgan.net