Madaxweynaha JFS Xassan Sh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay Muqdisho
January 3, 2013 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib safar uu maalmo ka hor ku gaaray dalka Sudan. Wafdiga Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa markii ay ka soo dageen Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa soo dhaweeyey Ra’iisul wasaare Saacid , Wasiiro , Xilidhibaano ,Saraakiil ka tirsan ciidanka DFS iyo AMSIOM.
Wafdiga Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud ayaa waxaa uu dalka Sudan uga soo qayb galay 57 guuradii ka soo wareegtay markii ay dalka Sudan qaateen xoriyada .Xaflada ka dib ayaa wafdiga Madaxweyanaha DFS waxaa ay kulan gaar ah la yeesheen Madaxweynaha dalka Sudan Col. Cumar Xassan Al-Bashiir iyo qaar ka tirsan Golaha xukuumada.
Madaxweyanaha DFS Xassan Sh Maxamuud ayaa waxaa socdaalkiisa uu ku gaaray dalka Sudan ku weheliyey Wasiirka arrimaha gudaha , Wasiirka maaliyada , socdaal kaa ayaa u jeedadiisa waxaa kale oo ka mid ahaa in Madaxda DFS ay xog ka soo ogaado lacag ay dalka Sudan u daabacayso dalka Soomaaliya oo hishiiskeedu uu horay u saxiixay Madaxweynihii hore ee DFKM Sh Shariif Sh Axmed.
A/cawaale
Halgan.net