Madaxweynaha Puntland oo caawa dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe
January 27, 2013 - Written byGaroowe:-Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa caawa dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ka dib markuu in mudo ah ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari.
Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa caawa ku soo dhaweeyey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.cabdisamad Cali Shire iyo wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland iyo waxgarad kale oo tiro badan.
no images were found
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole ayaa u mahad celiyey dhamaan dadweynihii iyo masuuliyiintii ku soo dhaweeyey caawa magaalada Garoowe waxaana la filayaa in dhawaanuu ka dhaco shirweynaha xisbi siyaasadeedka Horseed kaas oo lagu qabto doono magaalada Garoowe .
M_M Deeq
Halgan.net