Madaxweynaha Puntland oo xalay khudbad ka jeediyey xarunta Madaxtooyada Boosaaso
January 9, 2013 - Written byBoosaaso:-Madaxweynaha dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa waxaa xalay uu khudbad ka jeediyey xaflada uu ugu dabaal degayey sanadguuradii 4aad ee ka soo wareegtay markii xilka loo doortay isaga iyo madaxweyne ku xigeenka dowlada Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire.
Madaxweynaha dowllada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud Faroole ayaa waxaa uu khudbadiisa uga hadlay waxqabad ka xukuumadiisa ilaa inta uu xilka hayey iyo markii xilka uu la wareegay qaabkii ay u shaqaynayeen hay,addaha kale duwanaa ee dowlladii ka horaysay gaar ahaan dhismihii laamaha ciidanka.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ku sheegay khudbadiisa in dowlladiisu ay sanadkii ugu horeeyey ay wax ka qabteen isla baadi doonka ciidankii daraawiishta , Booliska, iyo Nabadsugida oo habac baahsan uu ku yimid arrinkaasna ay guul ka gaareen taas oo buu yiri suurtagal ka dhigtay in aan sugno amaanka iyo in ku adkaano dagaaladii aan la galnay ururka Al-shabaab ee Buuraha GalGala iyo kooxaha burcadbadeedka ah.
no images were found
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud Faroole ayaa waxaa kale oo waxqabadka dowlladiisa intii ay tala haysay waxaa uu sheegay in ay wax ka qabteen kobcinta dhinac kaabayaasha dhaqaalaha Puntlland iyo in ay guul ka gaareen is afgarad buux in ay la galaan madaxda DFKM , UN-ka taas oo sahashay in shirar caalami ah lagu qabto Garoowe laba jeer iyo magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud Faroole ayaa xusay in dowlladiisu ay horseed iyo laf dhabar u ahayd in dalka Soomaaliya laga saaro marxalada ku meel gaarka ah iyo in Dastuur Federaal ah loo sameeyo arrinkaas oo dowladu wax weyn ka qabatay.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh.Maxamed Maxamuud oo soo hadal qaaday siyaasada dhinac Jubooyinka iyo maamul u samaynta ayaa baaq u diray Madaxda DFS isagoo ugu baaqay in bulshada ku dhaqan Gobollada Jubooyinka ay mudnaanta koowaad ay leeyihiin in ay maamul Goboleed samaystaan dowlladda Federaalkan ay wixii farsamo ah ku taageerto.
Ugu danbayntii ayaa Madaxweynahadowllada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud Faroole ayaa waxaa uu ka digay in wax is bedel ah lagu sameeyjo Dastuurkii Federaalka ahaa ee Soomaaliya kaas oo buu yiri ahaa kii lagu hishiiyey wax ka bedelkiisuna waxaa uu abuuri karaa is qabqabsi siyaasadeed iyo in dib loogu noqdo marxalado jahwareer ahaa oo hadda laga soo gudbay.
M_M_Deeq
Halgan.net