Madaxweynaha Puntlland oo tacsi u diray dhammaan shacabka iyo Dowladda Jabuuti
January 12, 2013 - Written byGaroowe:-Innalillahi wa innaa Illayhi raajicuun.Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca Shacabka Reer Puntland iyo Dowladda Puntland, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Marwadiisa Khadra Maxamud Xayd oo aan uga tacsiyeynayo geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Jamac Maxamud Xayd, Gudoomiyihii Bangiga Dhexe ee dalka Jabuuti.
Waxaan Ilaahay uga baryaya inuu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, Qoyskiisii, ehelladiisii, asxaabtiisii, iyo dhammaan Shacabka iyo Dowladda Jabuutina ka siiyo Samir iyo Iimaan.
Aamiin
Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland
Communications Office
The Puntland Presidency