Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon oo kormeer ku tagay Degmada Afgooye
January 20, 2013 - Written byAfgooye:-Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta booqasho rasmi ku tagay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose waana socdaalkii ugu horeeyey oo uu Raisulwasaare Saacid uu ku tago Degmada Afgooye ilaa intii xilka loo dhiibay.
Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa si weyn u adkeeyey amaanka wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye waxaana socdaalka ku weheliyeyR/wasaare Shirdoon wasiiro iyo saraakiil ka tirsan xukuumadiisa waxaana ka mid ah wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka ee DFS Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiir ku xigeeno iyo taliyaasha ciidamada Nabadsugida , Booliiska iyo kuwa Melatariga.
R/wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxaa uu kulan la qaatay maamulka iyo duqeyda iyo waxgaradka Degmada Afgooye isaga oo ka dhageystay warbixino kala duwan waxaana uu sheegay in ay wax ka qaban doonaan cabashooyinka ay u gudbiyeen madaxada DFS
R/wasaaraha DFS ayaa waxaa uu digniin u diray askarta DFS waxaana uu sheegay in dowladiisa aysan marna aqbali doonin in tacdi loo geysto shacabka ku dhaqan degmada Afgooye ;kormeer kooban ka dib ayaa Raisulwasaare saacid waxaa uu dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.
A/Cawale
Halgan.net