Raisulwasaaraha DFS iyo wafdi uu horkacyo oo gaaray deegaanka Shalanbood
January 31, 2013 - Written byMuqdisho:-Wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa goor dhow gaaray deegaanka Shalanbood oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose waxaana socdaalka ku weheliyey Raisulwasaaraha DFS xubno ka tirsan golaha wasiirada .
Raisulwasaaraha DFS ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey wasiirada kala ah Wasaaradda G/dhiga DFS C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed,Wasiirka Warfaafinta,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/laahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirka Maalliyadda iyo Qorsheynta Maxamuud Xasan Suleymaan,Taliyaha Ciidammada Xoogga DFS Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini, Taliyaha Ciidammada Booliska Jen Shariif Sheekh Unaa Maye Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Eng Axmed Macalin Fiqi,iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DFS.
Wafdi Raisulwasaaraha DFS ayaa waxaa ujeedada socdaalkooda lagu sheegay in ay doonayaan in ay maamul u sameeyaan gobalka Sh/hoose Raisulwasaaraha ayaa la filyaa in isla maanta gaaro degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha hoose
A/Cawale
Halgan.net