R/W Cabdi Shirdoon oo Isbedel ku sameeyay Golaha Wasiirrada (Warsaxaafadeed)
January 11, 2013 - Written byMuqdisho:-Shir Jara’id oo uu xalay ku qabtay xafiiskiisa Xooghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamuud Xirsi Cabdulle ayaa ka hadlay dib-u-eegis lagu sameeyey qaab dhismeedka qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda, ka dib markii ay soo gaareen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha baahi loo qabo in la kala qeexo howlaha wasaaradaha qaarkood.
Waa tan Dikreetadii oo dhamaystiran:
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliyeed.
Markuu arkay: In loo baahan yahay in dib loo eego xilalka qaab- dismeedka Wasaaradaha qaarkood, Markuu arkay: Markii ay soo gaareen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha in baahi loo qabo in la kala qeexo hawlaha Wasaaradaha qaarkood; Markuu tix-geliyey: Markii uu la tashi buuxa la sameeyey dhinacyo kala duwan oo xog-oggaal u ah farsamada maamulka dowladda; Marku tix-geliyay: Qodobada 97, 99, 100 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed
Wuxuu soo saaray Xeerkan: Qodobka 1-aad Waxaa is-beddel lagu sameeyey magacyada wasaaradaha soo socdo:
a) Wasaaradda Arimaha Dibadda waxaa hadda kadib ay noqon doontaa Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxaana la raaciyay howlihii iskaashiga Caalamiga ah.
b) Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaa hadda kadib ay noqon doontaa Wasaaraadda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka.
c) Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iy Dekedaha, waxay hadda ka dib ay noqon doontaa Wasaaradda Howlaha Guud, Dekedaha Iyo Gaadiidka Badda, waxaana la raaciyay hawlihii dhalinta iyo qaybihii korontada.
Qodbka 2-aad
Dhammaan howlihii la xiriiray Dalxiiska iyo Duurjoogta waxay si KMG ah u hoos tagayaan Xafiiska Raiisulwasaaraha.
Qodobka 3-xaad
Wasiirada, Wasiiru-dowlayaasha iyo Wasiir-ku-xigeenada Wasaaradahaasi wax isbedel ah laguma samayn.
Shaqo Wacan
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director,
office of the PM