Taliyaha Ciidamada Booliska DFS oo shir jaraa’id qabtay magaalada Muqdisho
January 16, 2013 - Written byMuqdisho:-Taliyaha Ciidamada Booliska ee DFS Jen Shariif Sheekhuna Maye ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho isaga oo ka hadlay xariga wariye C/Casiis Koronto oo u xiran ciidanka Booliska ee DFS waxaana la sheegay in maxkamad la soo taagi doono maalinta Khamiista ee birito ah.
Taliyaha Ciidamada Booliska ee DFS Jen Shariif Sheekhuna Maye ayaa waxaa uu si faahfaahsan uga waramay gabar la sheegay in ay kufsadeen askar ka tirsan DFS waxaana gabdha magaceeda lagu sheegay Luul Cali Cismaan.
Taliyaha ayaa wuxuu sheegay inaysan jirin wax kufsi ah oo loo geystay Luul Cali Cismaan ka dib markii ay baaritaano caafimaad ku sameeyeen Luul Cali Cismaan.
Taliyaha Ciidamada Booliska ee DFS Jen Shariif Sheekhuna Maye ayaa ugu danbeyntii ku eedeeyey wariye C/Casiis Korontoin uu ka danbeeyo barnaamijka loo dhisay Luul Cali Cismaan waxaana arinka ku qasbay ayuu yiri arimo dhaqaale.
A/Cawale
Halgan.net