Wafdi ka socda guddiga maamul u samaynta Jubooyinka iyo Duqa Garisa oo gaaray Garoowe
January 21, 2013 - Written byGaalkacyo:-Waxaa maalmahaan ku sugnaa deegaanada Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug wafdi balaaran oo ka tirsan guddiga maamul u samaynta gobalada Jubooyinka iyo Duqa magaalada Gaarisa Ismaaciil Maxamed ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliinta gobalka Mudug ee Puntland.
Wafdigan ayaa ku sugnaa laba maalmood magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxaana uu kulamo kala duwan la qaatay masuuliinta gobalka iyo kan Degmada magaalada Gaalkacyo ,waxgarad iyo Isimo si weyn looga yaqaan Puntland.
Wafdigani ayaa saaka ka soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo waxaana ay galabta soo gaareen magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland waxaana halkaas ku soo dhaweeyey dadweyne iyo maamulka gobolka iyo kan degmada magaalada Garoowe .
Wafdiga ka socda maamul u samaynta Jubooyinka iyo Duqa Garisa Ismail Maxamed Garaad ayaa sheegay in ay wadatashi la yeelan doonaan madaxda Puntland waxaana uu sheegay Duqa Degmada Garisa in la mataaneyn doono magaalooyinka Garoowe iyo Garisa.
Dhanka kale Guddoomiyaha degmada Garoowe Cabdicasiis Nuur Cilmi ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin wafdiga soo gaaray Puntland waxaana uu sheegay in ay ka wadahadli doonaan arimo kala duwan.
M_M_ Deeq
Halgan.net