Wasiiro ka tirsan Dowlada Kenya oo ku goodiyey in ay xilka iska casili doonaan
January 7, 2013 - Written byNairobi:-Labo wasiir oo ka tirsan dowlada Kenya ayaa ku goodiyey in ay xilkooda iska casili doonaan hadaan ciidanka Booliska ee Kenya uusan joojin dhibaatada uu ku hayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafada Islii ee magaalada Nairobi.
Wasiirka G/dhiga ee dowlada Kenya Yuusuf Xaaji iyo wasiirka horumarinta ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya Maxamed Cilmi ayaa ku eedeeyay ciidanka ammaanka ee dowlada Kenya in ay dhac iyo dhibaato baahsan u geysteen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafada Islii waxayna fariin u direen taliyaha ugu sareeya ciidanka Booliska ee dalka Kenya.
Labada Wasiir oo ka tirsan dowlada Kenya ayaa maalintii Jimcaha waxay kulan la qaateen Ganacsatada iyo waxgaradka degan xaafada Islii kuwaas oo cabashooyin badan u gudbiyey labada wasiir kuwaas oo ay ka mid yihiin dhac.kufsi ,boob iyo xarig sharci daro ah.
Dowlada Kenya ayaan ilaa haatan wax war ah ka soo saarin cabashooyin ay soo jeediyeen shacabka ku dhaqan xaafada Islii iyo goodiga wasiirada ka tirsan xukuumada Kenya.
A/cawale
Halgan.net