Abwaan Jaabir Gacayte oo suuqaan ku cabiray dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax (Dhageyso)
February 21, 2013 - Written byMuqdisho:-Abwaan Jaabir Gacayte ayaa waxaa uu suugaan ku cabiray dilkii foosha xumaa ee loo geystay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax raximahulaah kaas oo ay Al-Shabaab ku dileen magaalada Garoowe ee xarunta Puntland
Hoos ka Akhriso kana Dhageyso Gabaygii la magacbaxay Culimo laynteed iyo Abwaan Jaabir Gacayte
Cabdoow gabayga waataanan curin dayrta maantaa’e
Cajab weeye suuggaantu hayday ciiro-leedahaye
Caanahaba lamadhameen hadaan culaygu xoorayne
Oo aan catirtiyo horayn cadarka maygaagu
Haruubkuna cadaan’iyo lahayn ceebtii baalida’e
Ama gaawe ceegaaginoo caraftii doomaarleh
Hadayse caradu dheelisoo calafka loodiido
Cishadaa qofkii doonayoow celi humaagaaga
Maantana cadceedoo baraa mugdiga lala ciriiryoone
Casarbaanu joognaa hadana waa cawoo kale’e
Gudcurbaa cufmoo indhaha caad naloo saarye
Baladkoo camiran dulmiga lala caraabaayo
Xaajadii cakirantaa raggbay cirib guraysaaye
Cisigeeda maansada raggii curiyay baabkeeda
Aan u celiyo ninmankii cabiray gabayga caynkiisa
Cali-guraan dhankiis ahoo raagaa cududay’ah
Cali-dhuuxba caarifbuu ahaa curadadii maanso
Sayidkii cimaamaday jihaad calanka tawxiidka
Cartankii qamaan ahaa cawaansi waydiisto
Ciiliyo ma aan qabeen haday caawa noolyiine
Waxse caynka iigu wacan Culimo layteede
Aan cadeeyo baalkaan madoow caafir baan ahaye
Cabdulqadir nimankii dilee cunay ditoorkiina
Nimankaan cirooliyo aqoon cilimo duubwaynta
Nimankii carruuraha dagee laba codlaynaayay
Nimankii cadaystee dulmiga nagu cabsiinaayay
Nimankii cududaha jaree cishaba qoorgooyay
Nimankii cataatiqaha ka dhigay curadadii hooyo
Nimankii cismaan qalee waliba cay- dhaanshay
Nimankii cali dilee iblays daba caraabaayay
Cindigooda nimankuu kujiro cilmi suuliya’e
Hadaynaan calooshiyo kajarin cifo islaameedka
Amaynaan caaridayn camal xumaantooda
Carro Aloo timaadiyo cirkaa danabyo sootuuri
Alahayoow waan caaridnee adigu noo caymi
Alahayoow adaa caasiga qabtee adigu noo caymi
Alahayoow adaa caad rogee adigu noo caymi
Alahayoow culimadii qashee adigu noo caymi
Boqoroow adaa caadilee adigu noo caymi
Abwaan Jaabir Gacayte
Halgan.net