Banaanbax ka dhacay magaalada Boosaaso iyo dhalinyaro caawa lagu xiray magaalada
February 8, 2013 - Written byBoosaaso:-Banaanbax ay ka qeybqaateen dhalinyarada magaalada Boosaaso oo lagu diidan yahay Maamulka uu madaxa ka ayahay Madaxweyne C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Banaanbaxa ayaa waxaa uu ahaa mid si nabad ah ku dhacay waxaana ciidamada amaanka ay hareeraha ka socdeen dhalinyarada banaanbaxa dhigayey kuwaas oo watay boorar ay ku qoron yihiin erayo lid ku ah Maamulka Puntland iyaga oo ka cabanayey sanadka ay xukuumada Puntland sheegtay in uu sharci yahay .
Axmed Maxamed Yuusuf (Taran) oo ka mid ah mas’uuliyiintii soo qaban-qaabiyay Banaanbaxa ayaa uga waramay idaacada VOA wuxuuna sheegay in ay diidan yihiin halka sano oo ay xukuumada kororsatay wuxuuna sheegay in banaanbaxa uu u dhacay si nabada ah.
Wararka caawa soo gaaraya Halgan.net ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso ay caawa howlgalo ka sameeyeen qaar ka mid ah xaafada magaalada Boosaaso iyaga oo xiray dhalinyaro ay ku eedeeyeen in ay banaanbaxa soo abaabuleen lidna ku yihiin amaanka magaalada Boosaaso.
M_M Deeq
Halgan.net