Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaano ka tirsan Sh /Dhexe
February 19, 2013 - Written byJowhar:-Ciidamada DFS oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM, ayaa waxay si nabad ah kula wareegeen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar ka dib markii ay halkaas isaga baxeen Al-Shabaab.
Daa’uud Xaaji Ciiro oo ah Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ee ee DFS ayaa saaka saxaafada u sheegay in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jowhar 00 15Km u jira Degmada Jowhar.
Saraakiisha ciidanka DFS iyo Afhayeenka ciidanka AMISOM ayaa xaqiijiyey in ay la wareegeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar waxayna sheegeen in ciidamadooda ay haatan la wareegi rabaan Degmada Mahadaay halkaas oo ay ka baxeen Al-Shabaab.
Dhanka kale ciidamda DFS oo ay la socdaan kuwa Itoobiya ayaa la wareegay deegaano ka tirsan gobalka Bay waxaana ka mid ah deegaanadaas Makoon, Buulo-barako, xerada ciidanka melatariga ee Manaas .
Ciidanka Al-Shabaab ayaa haatan isku uruursanaya degmada Diinsooor si ay uga hortagaan duulaanka ay wadaan ciidanka DFS iyo kuwa Itoobiya.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net