Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo howlgalo ka sameeyey magaalada B/weyne
February 3, 2013 - Written byHiiraan:-Ciidanka DFS iyo AMISOM ayaa maanta howlgal ka sameeyeen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana ay howlgaladaas ku soo qabteen 25 dhallinyaro ah kuwaas oo lagu eedeeyey in ay xiriir la leeyihiin Ururka Al-Shabaab.
Qaar ka mid ah dhalinyarada la qabtay ayaa waxaa ay ka yimaadeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxaana arinkaas saxaafada u sheegay taliyaha qeybta booliska ee gobalka Hiiraan G/sare Isaaq Cali Cabdulle.
Taliyaha qeybta booliska ee gobalka Hiiraan G/sare Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in dhalinyarada ka timid Gaalkacyo ay qabteen ka dib markii ay warar sirdoon ah ay heleen.
G/Sare Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgalada lagu xaqiijinayo amaanka magaalada B/weyne kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM iyo kuwa DFS.
A/Cawale
Halgan.net