Culimada iyo Madaxda Ururka UWSLF oo ka tacsiyeeyay geeridda Sh C/qaadir Nuur Faarax

February 16, 2013 - Written by

tacsiJigjiga:-Madaxda iyo culimada ururka UWSLF ee nabadda qaatay waxay tacsiyo tiiraanyo leh u dirayaan eheladii, asxaabtii,iyo guud ahaanba bulshada  soomaaliyeed iyo umadda muslimka ah geerida ku timid sheekh C/qaadir nuur faarax alle ha u naxariistee. Sheekha waxaa shalay salaaddii casar isaga oo ku jira lagu dilay masjidka badar ee magaalada garoowe,ilaahay mahaddii gacan ku dhiiglihii sheekha dilay waxaa gacanta ku soo dhigay dadweynaha reer aroowe oo mudan in looga mahad celiyo geesinimada ay muujiyeen iyo sida ay ugu hiiliyeen caalimkaas diinta fidinteeda cumrigiisii ku soo dhammeeyay.

Sheekha waxaan ilaahay uga baryeynaa inuu geeridaas shahaado uga dhigo, eheladii axsaabtii iyo umadda  soomaaliyeedba inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

Nuqul ka mid Warsaxafadeed ay soo saareen Culimada iyo madaxda Ururka UWSLF ayaa nuqul ka mid ah wuxuu soo gaaray Halgan.net wuxuuna u qornaa sidan.

Culimada iyo madaxda ururka uwslf oo ka tacsiyeeyay geeridda alla ha u naxariietee sheekh C/qaadir Nuur Faarax

إن الحمد لله، نحمده ونستعينه، ونستغفره، ونعوذ بالله من شرور أنفسنا، وسيئات أعمالنا، من يهده الله فلا مضل له، ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله.,وبعد.

Madaxda iyo culimada ururka UWSLF ee nabadda qaatay waxay tacsiyo tiiraanyo leh u dirayaan eheladii, asxaabtii,iyo guud ahaanba bulshada  soomaaliyeed iyo umadda muslimka ah geerida ku timid sheekh C/qaadir nuur faarax alle ha u naxariistee.

Sheekha waxaa shalay salaaddii casar isaga oo ku jira lagu dilay masjidka badar ee magaalada Garoowe,ilaahay mahaddii gacan ku dhiiglihii sheekha dilay waxaa gacanta ku soo dhigay dadweynaha reer Garoowe oo mudan in looga mahad celiyo geesinimada ay muujiyeen iyo sida ay ugu hiiliyeen caalimkaas diinta fidinteeda cumrigiisii ku soo dhammeeyay.

Sheekha waxaan ilaahay uga baryeynaa inuu geeridaas shahaado uga dhigo, eheladii axsaabtii iyo umadda  soomaaliyeedba inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale culimada iyo madaxda UWSLF waxay dhaleeceynayaan Ururka Al shabaab oo sida la xaqiijiyay ka danbeeyay dilka sheekha sida uu horayba ugu dilay culimo iyo wax garad badan oo soomaali u naafowday, waxaana caddeyneynaa in ficillada noocaas ah ee lagu bartilmaameedsanayo culimada iyo wax garadka ummadda ay yihiin falal u adeegaya cadowga ummadda.

Gabagabadii waxaan ummadda soomaaliyeed meel ay joogtaba ugu baaqeynaa in ay meel uga soo wada jeestaan Ururka Al-shabaab ee ay culimada soomaaliyeed bayaaniyeen inuu yahay urur ka habowsan, sidoo kale waxaan umadda soomaaliyeed ugu baaqeynaa iny u guntadaan sidii ay culimada uga difaaci lahaayeen yeydaas boobeysa.

Saxiixayaasha bayaanka

Sheekh Ibraahim Maxamad Xuseen ( Ibraahim Dheere) Guddoomiyahii ururka ee hore
Seekh  Axmad Sh. C/naasir ( Nashaad ) Guddoomiyahii golaha shuurada ee hore
Sheekh C/laahi Cumar Nuur ( xubin ka mid ah aasaasayaashii ururka)

Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. inalilaahi wainaa ilayhi alraajicuun
    sh.c/q

Leave a comment

*