Culimada Soomaaliyeed oo loogu baaqay in ay foojignaadaan ka dib dilkii Sheekh C/qaadir

February 16, 2013 - Written by

baranCulimada Soomaaliyeed ayaa waxaa ku socda dil iyo handadaad, iyadoona ay soo baxayaan baaqyo loogu digayo Culimada.Markii uu soo baxay warkii naxdinta lahaa ee dilkii Sh. C/qaadir Nuur Faarax, isla markaasna ay ka sii horeyeen hadallo hadur looga dhigayo dhiigga xormada leh ee Culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa soo baxay dareeno muujinaya in gacan ku dhiig layaashii horey u dilay Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan, shalayna ku daray Sh. C/qaadir Nuur Faarax,  ay u hamuun qabaan dhiigga Culimo kale oo aaminsan aragtida laba Sheekh ee  la dilay.

Baaqyada soo baxaya ayaa waxaa diraya Soomaalida  wanaagga jecel, ee isugu jirta Culimo kale, aqoonyahan, madax iyo shacabba, iyagoo ku baaqaya in Culimada ay taxadaraan, kuna xisaabtamaan in wixii loo dilay Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan iyo Sh. C/qaadir Nuur Faarax, ay aamisan yihiin, dilkuna uusan ku ekaan doonin hal qof ama laba qof.

Culimada laftooda ayaa qaba dareenka ceynkaas ah, iyadoo dad badan ay og yihiin in Culimada loo hanjabay isla markaasna loogu gooddiyey in adduunka la dhaafin doono, iyadoo dadka Soomaaliyeed ee caadiga ahna ay quusteen markii la dhowri waayey birimagaydadii umadda Soomaaliyeed, weliba Masaajiddii Illaahay lagu boqno-goynayo.

Waxaa arrinta sii kiciyey ka gadaal markii ay waayadaan soo bateen hadallo iyo qoraallo lagu dhiiri gelinayo in ay caadi tahay in la daadiyo dhiigga Culimada, maadaama ay ku xiran yihiin dad badan.

Shalay Casarkii ayey aheyd  markii dhagar qabe Bastoolad ku hubeysan uu Xabado la dhacay Sh. C/qaadir Nuur Faarax kaasoo uu  u geeriyooday rasaastii sida arxan darrada ah loola dhacay, isagoo salaad ku jira, waxaanna Illaah  uga rajeyneynaa inuu wanaaggii adduunka looga bartay uu Aakhiro uga abaal mariyo.

Halgan.net/Somalireal

3 Comments so far

Leave a comment

  1. The best defense is a good offence. Nimaankaan waa in laga saaraa goodadka ay ku jiraan oo ay culumada iyo waxgaradka inta ay gumaadaan ay dib u galayaan. Waa in goodadka dab lagu shidaa. Waa in wilaalsha iyo gabdhaha da,adoodu u dhexayso 15 ilaa 25 oo lagu tuhmaayo inay nimaankaa mar uun xataa lahadleen si gaar ah isha loogu hayaa. Waa in waalidiinta ay si dhaqsaha u soo sheegaan wiilka ay muddo akhbaartiisa waayaan ee u kaca meesha ay shayaadiinta ku sugan yihiin. Waa in si dhaqsaha loo daba galaa ku magaalooyinka jooga ee tuhunka xooga ah laga qabo. Shacabka dibada iyo gudaha waa inay dhaqaale ku bixiyaan sidaa shayaadiin wadanka looga tirtiri lahaa. Culamada, waxgaradka, ganacsatada, iyo dawlada waa inay qabtaan olole dhaqaale lagu uruurinaayo. Waa in si degdeg ah loo sameeyaa xarun si gaar ah looga maamulaayo dagaalka nimankaan. Godane iyo ragiisu waa inay ogaadaan in waqtigoodii go’ay oo ayaan qof danbe oo wax ku ool ah inay dilaan iska daayee ay meel ay harsadaan heli doonin. Dilka wadaada iyo ummada waa in aan la dhayalsan. Dadku waxay diyaar u yihiin in laga guro dhaqaalihii. Dhalanyaridii ay shaquuqdaan la gumaaday wax bareen iyo culumada inta loo socdo waa inay hoogaanka ololahaan ugu horeeyaan. Barbarkay ka baxdaa waa bakayle qaleen. Aan aragno meesha uu ina Godena galo.

  2. asc wrb wbrk marka hore marka labaadna waxaan leeyahay inaalillaahi wa’inaa ilahayhi raajicuun kulu nasun daa’iqatull mowt abaa bacda marka labaad sheeku alaha unaxariisto lakiise waxaan leeyahay ilaahay ayaa jecel waa waxa ladilay malin jimco ah wana oo hadana caasar ah ilaahayna waa kudhaartay salaada casar
    ten sadaxaadna asagoo sujudsan intaaba waa maasha alaah waaxaana dhihi karkaa waa mujaahid ilaahayna haa u aqbalo shahaadadiisa lakiise hoog iyo halagsan waxuu usugnaaday ninkii idalay oo aduun iyo aakhiraba seegay saan rajaynayno lakiise dadka soo maaliyeed waxaan usheegayaa qofkii runta sheeqo oo xaqa bayaaniya waa murtad qofkii fikhrada khawaarijtana qaata waa mujaahid waa sida ay dhalinyarada jaahilka ah ee aan waligood baran diinta ee jaahilka ka ah ee caliga oga xadaan hadii sheeqa ay dilayaa ay usoo dirayaan dhalinyarada masaakiinta ah ee jaahiliinta ay leeyihiin janad galaysaan ee soo dila qofkaas hadiiba uu qofmuslim ah dilkiisa ay janno ku galayaan maxay usoo adeegsanayaa qofkale ay ayaga jannada usoo raadsan wayeen oo ayaaga gacantooda ugu dili waayeen ,subxannalaah subxanallaaah yaa umatull muxamad (nnkh) cilmigha waa in labartaa maantana waa naguwada waajib ikhwani cilmiga barta ilahay haa idin dhowro insha alaah

    asc wr wbr

  3. Waa yaabe Qolada sh C/qaadir nuur faarax udilay in uuw murtad yahay ama diin la aan heyso . dadka kale ee caamada ah ee somaliyeed muxuu ka aaminsanyahay ? Caalimkii umada diinta ugu yeeraayay hadaa dhiigiisa ba neeysatay dadka kala kawarn iyaga ???? yaab anagaa aragnay waxaan soo xasuustay taariikhdii ninkii Cali binu abii dhalib dilay ee markii uuw dilay kadib alla ku mahdinaayay in uuw cali dilay ,

Leave a comment

*