Culumada iyo ducaada ku dhaqan S/land oo tacsi u diraya Ehelada Sheekh C/qaadir Nuur Faarax

February 16, 2013 - Written by

hargeysaHargeysa:-Culumada iyo ducaada ku dhaqan deegaanka S/land ayaa tacsi u diray eheladii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe waxaan ay alle uga baryeen in uu Janatul Fardow ka waraabiyo

Bayaanka iyo Tacsiga Culumada ku dhaqan Soomaaliland ayaa waxaa uu u qornaa sidan

Tacsi iyo bayaan

إنالله وإنا إليه راجعون

الحمد الله والصلاة والسلام على رسول الله
Culimada  soomaaliland ee magacyadoodu  hoos  ku  qoranyihiin iyaga oo ka  tiiraanyaysan kana  xun  dilkii  foosha xumaa  ee lagula  kacay sheekii  caalimka  ahaa  sh.  c/ qaadir nuur  faarax ( gacamay)   alla  ha u naxariistee  oo  gacan ka  xaqdarani  ku  dishay  masaajid  ku  yaala  magaalada  garoowe isaga  oo  salaadii casar ku tukanaya  05/04/1434 oo ku  began  15/2/2013.

Waxay culimadu soo  jeedinayaan  qodobadan  hoos  ku  xusan:.

1-ugu  horeyn  waxay  culimadu  tacsi  u  tirayaan  eheladiisii   iyo  umada  soomaaliyeed   ee  sheekhu  ka  baxay  meel  kastooy  joogaanba  sheekhana   waxay  ilaahay  uga  baryayaan  inuu  janadiisa  ka  waraabiyo

2- culimadu waxay  canbaaraynayaan  dilkaas  oo  ah  mid baal marsan  shareecada  islaamka  iyo dhaqanka  suuban.
3- waxay culimadu  ugu  baaqayaan  umada  soomaaliyeed  ee  muslimka  ah  inay xadhiga  ilaahay  wada  qabsadaan    meelna  ugasoo  wada  jeestaan  dadka  caadada ka  dhigtay  inay  dhiigooda xalaashadaan   hal  doorka iyo biri  magaydada  ummada

Magacyada  culimada

1         Sh.  Cali  warsame    xasan

2         Sh.  Maxamed  cumar  dirir

3         Sh. Cismaan  cali  xuseen

4         Sh. Maxamed  cali   gadhle

5         sh.  Xasan  c/salaam  cali

6         -sh. Mustafe x. ismaaciil

7         – sh. Maxamed   aadan  muxumed

8         – sh. c/raxman   axmed

9         sh. Yuusuf  aadan  maxamed

10     – sh.  c/laahi   daahir  jaamac

11     -sh. c/naasir  x.  axmed

12     sh. c/laahi cabdi  cali (makaawi)

13     sh. c/laahi  cabdi  cali

14     sh. Maxamed  macalin  cabdi  carab

15     sh. Ciise  maxamuud  c/laahi

16     sh. Maxamed  ibraahim  jaamac

17     sh. Ibraahin  axmed  xirsi

18     sh. c/qani xuseen  maxamed

19     sh.  Shacbaan  c/laahi  aadan

20     sh. Khaddar  c/laahi  badeed

21     sh. c/raxman cumar  cigaal

22     sh. Maxamed  salaam  cali

23     sh. Axmed  maxamed  sulaymaan

24     -sh. Maxmuud  maxamed  xaliiki

25     sh.  Faysal  cali  faarax

26     sh. Cabdi  qani  aw  saalax

27     sh. Yuusuf  cabdi  cawad

28     sh. Xasan khayre  dirir

29     sh. Muxumed  warsame dhurde

30     sh.c/muciin maxamed  cali

31     sh. Maxamed  xuseen  cali (deeq)

32     sh. Maxamed  daahir dhawal

2 Comments so far

Leave a comment

  1. مركز الامام الشافعى للدعوة والتعليم
    dhammmaan bahweynta Jamaacatul-ictisaam bil-kitaab wasunnah ee ku sugan magaalada Burco ee gobolka togdheer waxay tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Fadiiladu-sheekh clqaadir nuur faarax.waxaan illaahay uga baryeynaa inu janadiisa geeyo Aamiin aamiin

  2. انّالله وانّااليه راجعون

    Waxaan katacsiyeynaynaa sidii aan salaadi casar ee maalinkii jimcaha aydba aan umadda soomaaliyeed ee muslimka ahba uga tacsiyeynay geeridii kutimid sheekh cabdulqaadir nuur faarax waxaana leenahay ilaahay ha una xariisto ehelkiisa iyo ubadkiisaba samir iyo iimaan hakasiiyo. Badalkhayr qabana alahasiiyo. aamiin

Leave a comment

*