Dad Muslimiin ah oo lagu laayey masaajid ku yaalla deegaanka Libooye
February 21, 2013 - Written byNairobi:-Wararka naga soo gaaraya Degmada Libooye ayaa sheegaya in koox hubeysan ay ku laayeen masjid ku yaala deegaanka Malele oo u jira 25 km u jira xeryaha qaxootiga Dhadhaab. Dilka foosha xun oo ay geysteen kooxdan hubeysan kana dhacay gudaha Masjidka xili ay dadka ku jireen Salaadii subax oo ah salaadaha ugu qiimaha badan ayaa ka yaabiyey dadkii ku dhaqanaa deegaanka Malele. Weerarka ayaa waxaa ku dhinta ugu yaraan 7 qof waxaana kala yaacay dadkii ku tukunayey Masjidka deegaanka Malele waxaana weerarka geystay 8 dhalinyara oo hubeysan.
Guddoomiyaha degmada Gaarisa Macalin Maxamed ayaa warbaahinta u xaqijiyay in dad shacab ah in lagu laayey deegaanka Malele xili ay ku jireen salaadii subax wuxuuna sheegay in ay ciidamo u direen ayna baarayaan. Ilaa haatan lama yaqaan kooxda dadka Muslimiinta ee tukanaya ku leysay gudaha Masjid ku yaal deegaanka Malele oo u jira 25 km u jira xeryaha qaxootiga Dhadhaab.
Cabdi Yare
Halgan.net