DFS oo ka hor timid codsi dowladda Kenya u gudbisay golaha ammaanka.
February 15, 2013 - Written byMuqdisho:-Dowlada federaalka ee Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay in ciidamada badda ee Kenya lagu daro howlgalka nabad ay ciidamada AMISOM ka wadaan Soomaaliya gaar ahaan codsi dowlada Kenya ay u gudbisatay QM oo ahaa in la siiyo ciidankeeda Aduun dhan $10 milyan oo doolar
Sida uu maanta soo qoray wargayska caanka ah ee dalka Kenya Daily Nation ayaa waxaa uu sheegay in ra’iisul wasaare ku-xigeenka, ahna wasiirada arrimaha dibadda ee Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ay Golaha Amaanka ay ka sheegtay in aysan jirin sabab ay ku taageeraan ololaha dhinaca badda ay ciidanka Kenya kula dagaalamayaan Ururka Al-Shabaab.
Danjiraha dowlada Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay Macharia Kamau ayaa ku tilmaamay codsiga ay Dowlada federaalka u gudbisay wax laga xumaado wuxuuna sheegay in ciidamada ay ka mid yihiin ciidanka AMISOM ee howlgalada ka wada gudaha Soomaaliya.
Danjiraha dowlada Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay Macharia Kamau ayaa sidoo kale ku andacooday in dowlada Soomaaliya aysan awood u lahayn in ay xayirto hubka u soo gudbaya Al-Shabaab .
Cabdi Yare
Halgan.net